Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shir Degdeg Ah Isugu Yeedhay Gudida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shir Degdeg Ah Isugu Yeedhay Gudida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye
January 6, 2014 - Written by editor

Waxa la Ogeysiinayaa dhamaan xubnaha Gudida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye in ay iskugu yimaadaan shir muhiim ah Guriga Madaxweyne ku xigeenka

Hargeysa (Wajaale-News) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo xubnaha Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo shir deg deg ah ugu baaqay xubnaha Guddida Fulinta

 

 Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa xubnaha Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye ugubaaqay shir deg deg ah oo berri galinka danbe ka dhici doona gurigiisa.

Qoraal rasmi ah oo goor dhaweyd soo gaadhay Xarunta Wargeysa Waaheen oo uu ku saxeexan yahay Madaxweyne ku-xigeenku ayaa u qornaa sidan:-

 

Ku: dhamaan xubnaha guddida fulinta Xisbiga Kulmiye

Waxa la Ogeysiinayaa dhamaan xubnaha Gudida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye in ay iskugu yimaadaan shir muhiim ah Guriga Madaxweyne ku xigeenka saddexda galabnimo ee Berri oo Isniin ah 06/01/2014.

Hogaanka Xisbiga Kulmiye

1.      C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

 

2.      Maxamed X Yuusuf Waabeeye  Guddoomiye xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye

 

3.      C/raxmaan Maxamed Talyanle Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Kulmiye

 

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici

ALLAA MAHAD LEH

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. 05/01/2013

COMMENTS
LINKS