Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Sheegay In Aanu Jirin Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Masuuliyiinta Kulmiye, Shaacana Ka Qaaday in Duruufo Jiro Dib Loogu Riixay Shirweynihii Xisbigooda. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Sheegay In Aanu Jirin Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Masuuliyiinta Kulmiye, Shaacana Ka Qaaday in Duruufo Jiro Dib Loogu Riixay Shirweynihii Xisbigooda.
January 10, 2014 - Written by Editor:

“Anagu waxaanu ka wada hadalnay in qaabkii xisbigu u qabsan lahaa shirweynihiisa iyo in qaab loo wada dhan yahay u qabsoomo.

Hargeysa (wajaalenews) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in aanu jirin khilaaf ka taagan shirweynaha Kulmiye.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo maanta ay warbaahintu su?aalo ka waydiisay shirweynaha kulmiye ayaa sheegay in qaabka loo qabanayo shirweynahaasi iyo tirade ergooyinka uun la isku mari waayay, waxaanu yidhi ?Horta wax Khilaaf lagu sheegi karo oo ka jira Kulmiye ma Jirto, lakiin meel hawli taalo waxa laysku qabtaa tubta loo marayo hawsha, haddii aad maqasheen hogaanku wuu ku kala qaybsan yahay arrimaha Xisbiga ma jirto,  lakiin tubta loo marayo iyo sida loo qabanayo shirweynaha iyo qaabka loo xulayo ergooyinka uunba taladeeda laga wadahadlaayey, lakiin wax khilaaf ah iyo arrin lagu kala tegayo ma jirto, arrintii xisbiguna meel fiican bay maraysaa wayna iska dhamaanaysaa.?

?Anagu waxaanu ka wada hadalnay in qaabkii xisbigu u qabsan lahaa shirweynihiisa iyo in qaab loo wada dhan yahay u qabsoomo, uunbaa  kala hadalnay  Madaxweynaha, lakiin  dib u dhigida shirweynaha waxay ku timid duruufo ku yimid madaxweynaha oo safaro ugu baxaya dibada, una baxaya  danta qaranka oo ku soo beegantay wakhtigii shirka la qaban lahaa ayaa keentay in dib loo riixo  shirweynaha Kulmiye.?Ayuu yidhi Saylici

Waxa kale oo la Waydiiyey  xidhiidhka ka dhexeya isaga iyo Muuse Biixi sida uu yahay waxaanu yidhi.?Waxaanu nahay labba nin oo saaxiibo ah, labba nin oo walaalo ah ayaanu nahay, labba nin oo isku xisbi ah ayaanu nahay, labba nin oo halgan badan soo wadda maray ayaanu nahay, wax dhibaato ah oo na dhex yaala ma jirto.?Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS