|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu shacabka somaliland uga tacsi geeridii ku timid marxuum sh axmed cali weerar oo ku geriyooday dalka djabuuti
January 18, 2014 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE KU XIGEEN IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu tacsi u dirayaa Cullimo Awdiinka Dalka, Ehelkii, Qaraabadii,Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Sheekh Axmed Cali Weerar oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti oo marxuumka loogu qaaday Xaalad Caafimaad dhawaan Marxuumka oo da’adiisu ahayd 85 Jir waxa uu ka mid ahaa Cullimada dalka magaca ku leh ee aadka loo qadariyo isaga oo marxmuumku Ifka kaga tegay 115 Caruur ah oo isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen. Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Cullimo Awdiinka Dalka, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Related posts:DAAWO;-Wasiiro Xukuumada Somaliland Ka Socday Oo Furay Shirka Nabadaynta Ardaayada Adhicadeeye Ee Go... Xildhibaan Mustafe Khayreeye Oo Sheegay In Xukuumadu Ay Qaab Tuugonimo U Iibinayso Dhulka Danta Guud... Guddoomiyaha Tog-Wajaale Oo Sifo Sharci Daro ah Maxkamadda Gobolka Gabiley Kaga Siidaayay 2 Eedays... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|