|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir oo Qaramada Midoobay ku eedeeyay inay taageeraan fallaagada ka soo horjeeda
January 21, 2014 - Written by Editor:JUBA WAJAALENEWS ;Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir Mayardit ayaa Qaramada Midoobay ku eedeeyay inay taageeraan fallaagada uu hogaamiyo Riek Machar. Silva Kiir ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay qarinayso fallaagada, oo uu sheegay in ay hubkoodii la galeen xeryaha ay maammusho UN-ta. Goor sii horreysay ayay ciidamada dowladda South Sudan sheegeen in ay qabsadeen magaalada muhiimka ah ee Malakal, kaddib maalmo uu dagaal halkaasi ka socday. Balse xoogaga mucaaradka ayaa BBC-da u sheegay in ay weli iyagu gacanta ku hayaan magaalada. Magaalada Malakal ayaa ah meesha laga galo gobolka shidaalka hodanka ku ah ee Upper Nile. Ku dhowaad nus malyuun ruux ayaa ku barakacay dagaalka muddada bisha ka socday South Sudan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Magaalooyin istiraatiiji ahCiidammada dowladda ayaa horey u qabsaday magaalooyinka istiraatiijiga ee Bor iyo Bentiu, halkaas oo mucaaradku haysteen. Magaalada Bor ayaa la sheegayaa inay gebi ahaanba burburtay. Wadahadallo labada dhinac uga socday magaalada Addis Ababa, ee dalka Itoobiya ayaan wax natiijo ah laga gaarin. Madaxweyne Kiir ayaa ku baaqay in xabadda la joojiyo
Weriyayaasha waxay sheegayaan inay wadahadalladu istaageen iyadoo dhinacyada ay doonayaan inay guulo militeri gaaraan. Mucaaradka ayaa dalbanaya in la sii daayo dhamaan maxaabiista siyaasadeed, ka hor intaan la gaarin heshiis xabajoojin. DoorashooyinDowladda South Sudan waxay ku adkaysanaysaa in madaxda xiran la hor gayn doono maxkamad. Madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir Mayardit, ayaa ku baaqay in colaada la joojiyo, kaddibna uu dalka u diyaar garoobi karo doorashooyin sanadka 2015-ka. Waxaa uu sheegay inuu cafin doono kuxigeenkiisii hore ee madaxa u ah fallaagada “hadii uu soo noqdo” WAJAALENEWS DESK JUBA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|