|
|||||||||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Safar Ugu Kicitay Wadanka Faransiiska Kana Hadlay Ujeedada Safarkiisa Iyo Waxa Uu Ka Filayo Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya
January 18, 2014 - Written by Editor:madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta safar shaqo ugu kicitay wadanka Faransiiska.
ee ka qayb galaya wada hadalada dalka somaliya kuwaas oo haatan ku sugan wadanka Turkiga. Madaxweynaha Somaliland oo intii aanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee magaalad Hargeysa la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu faah faahin kaga bixiyey safarka uu ku tagayo wadanka Faransiiska, waxaanu sheegay inay ka heleen marti qaad rasmi ah, waxaana hadaladisii ka mid ahaa ?wafti aan hogaaminayaa waxay u anba baxayaan wadanka Faransiiska halkaas oo aanu ka helnay marti qaad rasmi ah, waxaana nagu soo biiri doona wasiirka arimaha debada, wasiirka madaxtooyada iyo wasiirka ganacsiga, wadanka Faransiisku waa dal weyn oo xidhiidh inaga dhaxeeye waana dal aynu doonayno inaynu sii kordhino wax qabadkeena inaga dhaxeeya dhinaca dhaqanka, dhinaca nabad galyada iyo dhinacyada kale ee loo baahan yahay, marwalba inaynu siyaasadeena fidino oo aynu dunida la xidhiidhno kordhisana wada shaqaynta aynu la leenahay dalalka waaweyn si dunida kale iyo xidhiidhkeenu u noqdo mid wax ku ool ah, markaas marti qaadkaas aad ayaan ugu faraxsanahay waxaanan ku rajo weynahay inuu noqdo martiqaad wax dhala.? Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu soo mari doono wadanka Ingiriiska waxaanu yidhi ?waxaanu mudo yar oo gaaban sii joogi doonaa wadanka Ethiopia dabadeedna waanu ka gudbaynaa anaga oo rajaynayna in safarkayagu uu noqdo mid lagu soo guulaysto, dabadeed waxaanu dhaafi doonaa wadanka Ingiriiska halkaas oo aan ku qaadan doono mudo kooban oo fasax ah oo aan ku fushan doono arimo dhinaca caafimaadka iyo arimo kale oo ii gaar ah.?
Madaxweynaha Somaliland oo wax laga waydiiyey safarka uu ku tagayo wadanka Faransiiska iyo qodobada uu kala hadli doono madaxda wadankaas ayaa waxa uu sheegay inuu safarkiisu khuseeyo dhinac walba oo la xidhiidha arimaha labada wadan waxaanu yidhi ?safarkayga faransiisku dhinac walba wuu taabanayaa dawlada Faransiiskuna waa dawlad weyn oo dawladaha yurub ka mid ah waana wadan aynu doonayno inaynu xoojino xidhiidhkeena, shirkado Faransiis ah ayaa doonaya inay wax ka qabtaan dekeda Berbera oo ay maal gashadaan, Faransiiskuna waa dal maalgashi badan dunida ku leh markaas wixii aynu wada qabsan karnaba waynu qabsanaynaa.?
danbayntiina madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inuu wada hadalada somaliya iyo Somaliland ka filayo inuu ka soo baxo ictiraafka wadanka Somaliland waxaanu yidhi ?wada hadalada Somaliland iyo somaliya wuuu soconayaa inta uu soconayana waanu wadaynaa waxaanan filaynaa inay ka soo baxdo in dawlada Somaliland la ictiraafo, waxaanu ka dan leenahay inuu ictirafka Somaliland iyo mawqifka aynu taaganahay ee danteena iyo maslaxadeenu ku jirto caalamkana fahamsiino, somaliyana waxay doonaysaa inay Somaliland dib ugu noqoto somaliya balse waxaan idinka balan qaadayaa oo ah balan umadeenu leedahay oo aan ahayn siyaasad waana balan qaranku ku tashaday.? WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||||||||
|