|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Silaanyo oo dhaqan geliyey xeerka Adeegga Naafada ee Dhismayaasha.
January 13, 2014 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED HARGEISA WAJAALENEWS ;Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo Sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2232/012014 uu ku dhaqan geliyey xeerka Adeegga Naafada ee Dhismayaasha. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Markuu Arkay: Qodobka 19aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Markuu Arkay: In deegaanka ku xeeran dadka naafada ah u saamaxaynin in ay awood u yeeshaan in ay hawlahooda u gudan karaan si madax bannaan, Markuu Garwaaqsaday: In dadka naafada ahi caqabado kala kulmaan xarumaha Caafimaadka, Dugsiyada. Cibaadada, Goobaha Biyaha iyo Goobaha lagu shaqeeyo iyo dhammaan meel kasta oo dadku isugu yimaado oo uu ka helo adeeg dawladeed ama mid gaar loo leeyahay, Markuu Arkay: Xilka Xukuumadda ka saaran sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha, isla markaana loo fududayn lahaa,
Wuxuu soo saaray: Qodobka (1)aad Dhismaha Xarumaha Hay’adaha Dawladdu leedahay ama gaarka loo leeyahay
Qodonka (2)aad Fulinta xeerka Fullinta xeerkan waxa u xilsaaran, isla markaana iska kaashanaya wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Dawladaha hoose ee Degmooyinka Dalka. Qodobka (3)aad Dhaqangalka xeerka iyo Dabaqaadiisa Xeerkani waxa uu dhaqan-gelayaa laga bilaabo taariikhda ku suntan xeerkan ee madaxweynuhu saxeexay.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|