|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed (Silaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay waxaanu madaxweynuhu ka war bixiyey kulankii uu la yeeshay raisal wasaaraha Dalka Ethiopia
January 12, 2014 - Written by Editor:HARGEISA WAJAALENEWS Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa maanta dalka ku soo laabtay ka dib safar mudo saddex cisho qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Itoobiya . Madaxweyne Siilaanyo mudadii uu ku sugnaa dalka itoobiya waxa uu la kulmay raysal wasaaraha dalka Itoobiya oo ay ka wada hadleen arimo badan oo khuseeya mandaqada geeska afrika iyo wax wada qabsiga labada dal .
Madaxweyne Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo oo ka hadlaya waxyaabaha sida gaarka ah ay ugu heshiiyeen labada dal ee somaliland iyo itoobiya waxa uu yidhi :- ” waxa aanu ku heshiinay waxa ka mid ah in aanu ka wada shaqayno marka hore maslaxada iyo nabadgalyada mandaqada aynu ku wada nool nahay , waxa kale oo aanu ka wada hadalnay sidii itoobiya u isticmaali lahayd Dekeda Berbera loogana shaqayn lahaa waddooyinka inoo dhaxeeya , laydh tiriigana wax looga qaban lahaa arimahaa horumarintooda sidii laba dhinacba uga shaqayn lahayd ayaanu ka wada hadlay si wanaagsana way noogu soo dhamaatay . Intaasi ka dib Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka jawaabay su, aalo ay waydiiyeen qaar ka mid warfidiyeenadii soo noqoshada madaxweynaha goob jooga ka ahayd waxaana mar la waydiiyey Madaxweyne siilaanyo in huguri kaga jiro in uu mar labaad iska soo sharaxo gudaha xisbiga kulmiye iyo in kale waxa uu kaga jawaabay ” Arintaasi kamaaan hadlayn hadda , kulmiye xubin ka mid ah ayaan ahay , xisbiga kulmiye Madaxdiisaan ka mid ahay , Madaxweynihii qarankaan ahay wax iga hor jooga in aan iska soo sharaxo ma jiraan “. Mar dhinaca kale wax laga waydiiyey Madaxweyne Siilaanyo aragtidiisa ku aadan dib u dhigista shirweynihii xisbiga kulmiye oo u mudaysnaa qabsoomidiisu dabayaaqada bishan aynu ku jirno ayaa sheegay in dib u dhigista shirkaasi uu kala aragti yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo iclaamiyey isagu dib u dhigista shirweynaha xisbiga kulmiye. Ugu dambayn Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka jawaabay su,aal laga waydiiyey cida ay gacanta ugu jirto talada qaranku waxa uu yidhi:- ” oo yey ugu jirtaa gacanteeda hadaa , anigu waxaan qabaa in ay gacantayda ku jirto kursigana anigay umadu ii dooratay oo ah madaxweynihii qarankee oo waanigan shirarka tagayee adduunka u tagayee idin hor-taaganee caafimaadka qabee anigu idinka aan idin waydiiyee yey gacanta ugu jirtaa”. Madaxweyne Siilaanyo oo ka soo dagay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee Caasimada Hargaysa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Saylici) iyo xubno ka tirsan golayaasha qaranka somaliland WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|