|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliland Anigu Tageero Ayaan Ka Haystaa Dadka Leh Madaxwaynaha Iyo Muuse Biixi Ayaa Is Haya Waxaana Leeyahay Maanta Ku Quusta
January 18, 2014 - Written by Editor:HARGEISA (WAJAALENEWS)Madaxwaynaha Somaliland Anigu Tageero Ayaan Ka Haystaa Dadka Leh Madaxwaynah Iyo Muuse Biixi Ayaa Is Haya Waxaana Leeyahay Maanta Ku Quusta Hargey(wjn)Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Oo Shir Jaraa?id Ku Qabtay maanta Xarunta Guud Ee Xisbiga Kulmiye Ayaa Sheegay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Inaan Madaxweynaha Looga Maarmayn Joogitaankiisa, Dibu-Dhaca Ku Yimid Na Ay Taasi Aasaas U Tahay. Muuse Biixi Cabdi Waxa Uu Sheegay Maalmahan In Lala Wareegayo In Ay Is Haystaan Madaxweynaha, Isagoo Arrintaas Ka Hadlaya Waxa Uu Sheegay In Ay Arrintaas Wadaan Dad Xisbiga Ka Xun Oo Faragalin Dibadeed Oo Ay Ku Burburinayaan Wada, Waxaanu Ku Dooday Madaxweyne Siilaanyo In Uu Taageeradiisa Haysto. ?Dadka Doonaya In Ay Madaxweynaha Iyo Aniga Yidhaahdaan Way Is Haystaan Waxaan Ugu Quus Goynayaa Madaxweynuhu In Uu I Taageeray Markii Aan Gudoomiye Ku-Xigenka Xisbiga U Ordayey, Hadana Kii Burco Ee Uu Igu Wareejiyey Guddoomiyanimada In Uu I Taageeray, Maalmihii Dhawaa Ee Shirweynaha Markii Guuxu Isku Baxayna Waa Kii Yidhi Guddoomiyanimada Haloo Daayo, Markaa Waxa Markhaati Iigu Filan Inuu Hore Iyo Danbyaso Taageeradiisa I Siiyey, Ana Sidaas Oo Kale Aan Taageero U Hayo? Muuse Biixi Cabdi Mar Uu Ka Hadlayey Khilaafka Ka Dhex Aloosan Xisbiga Waxa Uu Yidhi ? Xisbigu Waa Xisbi Weyn, Oo Taageero Badan Haysta Marka Ay Timaado Arrin Shirweyne Waxa Iska Jira Dano Badan, Xisbigu Sharci Buu Leeyahay, Cid Kasta Oo Danteeda Ka Arki Weydana Maaha In Ay Buuqdee Waa In Ay Sharciga U Martaa, Waxa Jira Dad Dacwad Iiga Geeya Madaxweynaha Oo Waraaqo Foojari Ah U Geeyey Oo Xata Aka Gaadhsiiyey Waxa Lagaa Saaray Xisbigii, Dadka Waxaas Wadaa Ma Inay Ii Yimaadaan Oo Xataa Haddii Warqad Qaldani Iga Soo Baxday Yidhaahdaan Baa Siday Ku Dhacday Mise Waa In Ay Madaxweynaha Ku Cararaan? Ayuu Yidhi Muuse Biixi
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mar Uu Ka Hadlayey Kulmiye Ahaan Waxa U Yaala Waxa Uu Yidhi ? Kulmiye Iyo Xukuumadda Waxa U Yaala Hawlo Badan Oo Ay Ka Mid Tahay Shirweynihii Xisbigu, Waxa U Taala In Wixii Dadweynuhu Codkooda Ku Siiyeen Lagula Xisaabtamo Wax Aka Fulay Iyo Waxa Kale, Waxa U Taala In Doorashadii Madaxtinimada Oo Ay Laba Sano Wax Ka Yari Ka Hadhay Wakhtigeedii Lagu Qabto, Kulmiye Ahaan Iyo Xukuumad Ahaanba Waxaanu U Sheegaynaa Dadweynaha Iyo Axsaabta Mucaaradka Ahba Inaanu Hawlahaas Ka Soo Bixi Doono Oo Aanay Noqon Doonin Kuwo Lanagu Canaanto, Haddii Ay Yimaadaan Duruufo Naga Awood Badani Mooyaane? Ayuu Raaciyey. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|