Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Ablo-ableeyay Magaalo Uu Kelidii Waraabiyo iyo Seefta Madaxweyne Siilaanyo Oo La Sheegay In Ay Korkiisa Taalo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Ablo-ableeyay Magaalo Uu Kelidii Waraabiyo iyo Seefta Madaxweyne Siilaanyo Oo La Sheegay In Ay Korkiisa Taalo
January 7, 2014 - Written by editor

Beebkaasi biyaha soo qaadayaa waxa uu ka imanayaa Xubno Weyne, waxaanu ku jihaysan

Hargeysa (Wajaale-News) – Magaaladda Hargeysa ayaa tan iyo markii ay xorrnimadeedii halawday sanadkii 1960-kii dib ugala soo noqotay Somalia, 1991-kii maalinba maalinta ka dambaysa qaybaheeda Koonfurta iyo barigu ay sii haraadayeen.

Haraadka degmooyinkan ku teedsan Koonfur iyo Barri ayaa loo aanaynayaa maamul xumo ka jirta Wakaalada Biyaha Ee Hargeysa, kuwaas oo saldhigoodu uu yahay Geed Deeble oo dhinaca Waqooyi ka xigta Magaaladda Hargeysa.

Muddo hada lagajoogo maalmo ayaa mudaharaad ay ka dhacay Hargeysa u dhintay hal qof, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Mudaharaadkan oo ay dadkii soo abaabulay u dacal saareen in ay ka dambaysay Haraadka Hargeysa yaala, ayaa waxa ka dhashay fal celin uu Maareeyuhu ku dejiyay, waxaana warbixin sanadeedkii uu ku soo koobay waxqabadkiisa qodobo ka mid ahaa ay u dhignaayeen sidan  ?Beebkaasi biyaha soo qaadayaa waxa uu ka imanayaa Xubno Weyne, waxaanu ku jihaysan yahay Degmooyinka Gacan Libaax iyo Maxamuud Haybe? ayuu yidhi.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews heshay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland uu xilka ka xayuubin doono Maareeye Ibraahim Siyaad Yoonis, kaas oo uu bedelkiisana u magacaabi doono Injineer ay isku deegaan ka soo jeeda

Ka Dib Markii Ay  Madaxwayne Siilaanyo Soo Gadheen Cabasho Lagaga Cabanayo Mareeyaha taas oo sheegaysa Inaanu Aqoon Ulahayn shaqada Loo dhiibay.

Mareeyaha Wakaalada Biyaha Ay La Sheegay Inuu Dhawaan Ka huleeli Doono Wakaalada Biyaha,Markii Uu Magaalada Hargaysa Gaadhsiin Kari Waayey Biyo Ku Filan

WAJAALE NEWS  DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS