Maamulka Degmada Faraweyne Oo Maanta Ka Fuliyey Magaaladaasi Olole Nadaafadeed. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Degmada Faraweyne Oo Maanta Ka Fuliyey Magaaladaasi Olole Nadaafadeed.
January 30, 2014 - Written by Wariye:

BREAKING NEWSFara-Weyne(Wajaale News):- Maamulka Degmada Faroweyne Ee G/Maroodijeex Ayaa Maanta Magaaladaasi Ka Bilaabay Olole Nadaafadeed Oo Lagu Hagaajinayo Bilicda Iyo Fayodhowrka Magaaladaasi.

Gudoomiyaha Degmada Faroweyne Md Faysal Maxamed Jaamac Ayaa Sheegay  In Ololahan Ay Ka Qayb Qaadanayaan Dhamaan Qaybaha Bulshada Sida Ardayda, Ganacsatada, Hawlwadeenada Hay’adaha Dawladda Iyo Ciidamada Ammaanka.

Gudoomiyuhu Waxa Uu Sheegay In Ololahani Yahay Mid Ay Muddo La Soo Waday Isla Markaana Ka Sii Socon Doona Magaalada Tan Iyo Inta La Helayo Deegaan Ka Fayow Dhibaatooyinka Ka Dhasha Saxo Xumaanta, Waxana Bulshada Ugu Baaqay Inay Ka Qayb Qaataan Ololaha Nadaafadeed Ee Socda Isla Markaana Xashiishkooda Geeyaan Goobaha Loogu Talo Galay

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS