Maamulka Dawlada/Hoose ee Gabiley (Maayarka iyo Xoghayaha ) oo Mid kastaaba gaarkiisa u dalbanayo in Hanti-Dhawr soo galo dawlada hoose | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Dawlada/Hoose ee Gabiley (Maayarka iyo Xoghayaha ) oo Mid kastaaba gaarkiisa u dalbanayo in Hanti-Dhawr soo galo dawlada hoose
January 16, 2014 - Written by Editor:
GABILEY WAJAALENEWS Maamulka Dawlada/Hoose ee Gabiley (Maayarka iyo Xoghayaha Dawlada/Hoose) oo Mid kastaaba gaarkiisa u dalbanayo in Hanti-Dhawr soo galo Dawlada/Hoose, Isla markaana la sheegay in ay qoreenba Waraaqihii ay ku dalbanayeen. ka dib markii ilaa Cawaysinkii Xalay Labadooduba ku wada maqnaayeen Magalada Hargaysa ee Xarunta Somaliland,
Iyada oo Mid kastaa Gaarkiisa ugu tagay La Taliyayaashiisii khaas ahaa, iyo Ashkhaastii qaadanaysay Kirooyinka Kuraasta ay ku fadhiyaan Labadaasi Mas’uul, kuwaasi oo la tuhunsan yahay in ay Gacan-saar la leeyihiin Hay’ada Qaranka u qaabilsan Baadhitaanka Hanti-lunsiyada ee loo yaqaano Hanti-Dhawrka guud ee Qaranka, kuwaas oo ku soo Qanciyey Maayarka Magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse in uu la qaato Xoghayaha Dawlada/Hoose ee Gabiley C/Raxmaan Nuur Abokor oo Isagu Markiisa horeba door bidayey in Baadhitaanka Madowgaasi Xidhibaanada Deegaanku ka dhex dareemeen Xisaab-Xidh Sanadeedkii 2013kii ee la soo hor dhigay iyo Labada Miisaaniyadood ee Isla Goob kaliya lagu soo wada saaray in daba-galkeeda ay ku dalbadaan Hanti-dhawrka Qaranka Somaliland. haseyeeshee ay u qudhqudhsami wayday Maayarka oo Isaguna si wayn uga gadooday ilaa shalay oo ugu danbeeyey, taasi oo Mar kaliya uun laga war helay Maayarkii Oo Isaguna ku qanacsan in Hanti-dhawr la dalbado, waliba Isagu Warqad uu ku saxeexan yahay u gudbiyo. Nagala soco Halka ay Wax mariyaan bal iyo goorta ay si rasmiya u shaaciyaan Dalabka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ee Maamulku Gacantiisa ku dalbanayo

WAJAALENEWS DESK
GABILEY OFFICE
CAYDARUUS QADIYE
COMMENTS
LINKS