Maamul xumada & qorshe la’anta ka muqata waxqabka dawlada ku fanto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamul xumada & qorshe la’anta ka muqata waxqabka dawlada ku fanto
January 22, 2014 - Written by Editor:

m/weyne siilanyo wax u kari wayey  in uu g/wasiirada kula xisaabtamo waxqabadkooda kuna abaal mariyo sida uu waxqabad koodu yahay wali lama arag m/weynaha oo kormeeraya wasaaradahiisu sida ay w wadan hawlaha qaranka ee uu igmaday .

qorhe xumada xukumada m/weyne siilanyo waxaad arkeysaa waxqabad la sheegayo in hawshaasi la bilaabay hadana maalmo dabadeed dumay waxkasta oo la qabsonayaa waa inay yeeshan bar ay ka bilabmaan iyo bar ay ku hamaadan  tusaale

a)markii uu gudomiye siilaanyo balan qaday  inuu mushaharka ciidamada iyo shaqale dawlada uu kor u qaadi dono 300% waxa la fuliyay 130%  kor looqado 170% hadhay waxay ahayd in sanad walba inta la awoodo kor lo qaado,hada  oo ay m/weyne siilaanyo u hadhay 1 sano iyo dhawr bilood ma fuli karaa balanqaadkaasi waa mayaa waxuu m/weynahu 3 sano iyo 8 bilood ku fulin wayey mudada kooban ee u hadhay kuma fulin karo .

b)waxaad arkaysaa  wadooyin badan oo la dhagax dhigo aan lahayn qorshe ka danbeyaa oo lagu hayo waxaa lala yaabo ah dawladan miisaaniyad sanaded keeda kuba dariin dhismaha wadooyinka o hadan wadooyin dhagax dhigaysa tasi waxay sababtay iny dawladu dawarsato oo ay xataa dhafiwaydo  nusasaacaha ardayda yayyar waa wax lag naxo dawlaad dhan o leh miisaaniyada qaran oo an waxqabad keeda iyo kharash sanadeed keeda ku jiriin dhagax dhigaysa

c)darajada ciidan ka ee la bixiyey  waa talaabo qaran ku u baahna  oo xago hoor loo qaaday  lakin waxay ahayd in malmulka laga sargooyin sarkalka darajada la siiyey inuu maamulkeeda hayo mel darajadiisa u qalanta.

Waxaa dhacday korneylo suuqa joga oo aan lahayn xafiisyo ay u shaqo tagan waxaad arkaysa xidigle meel haysto iyo kabtan  dibadyaala waxad arkaysa taliye saldhig oo askarigi xukumayey ka darjo sareyaa dhamaystir la’anta bahsan ee xukumada ka muqata waxaa lagu macnayn kara in aan marka hore laga fakirin  wax laqabanayo aadna aan looga baran dagin lagana fiirsan hawsha baaxada leh loo dhegayo loona fulinayo sii guul loog gaadha

C)wada hadaloda SL & somaliya ayad ka dareemaysaa in aany SL qorshee cad o hagi kara oo saldhi u ah waxaa la wad hadli karo iyo wax lama tabtaan ka ah  run aha wada hadaladu waa masiirkii umada SL & oo naf iyo malba loo huray waa wax ka wey in 5 xubnood goyn karaan ama ka arimin karaan ama go’aan ka gadhi karaan waxa ay ku haboonayd inta aan wad hadalada lagalin inay dawladu sameyso istaratijiyada geexayo wada hadaladu oo talo qaran laga wada yeesho oo aqoonyahanka, culimada, haweenka, galayaasha qaranka, dhalinyarta inay talo qaran oo midaysan halkasi laga so saro o xataa hadii loo bahdo. la helo.

Qaryaqaan sharci  yaqaan iyo waliba khubaro aqoooyanhano ah si meel  loogu ogado

Waxay ergada SL  shirarka la tagayaan haddi taasi laheli laha taladasi qaran SL waxay ogan lahayeen dan SL ugu jirta wad hadalad socdo lakin had lama garan karo waxay ku danbayn doonto wada hadaldu’ m/weyne siilanyo ayaa ka gabiyey inuu hawlah cul culus ee qaranka talo wadaag ku galo oo aanu ku koobin xukuumadiisa. waa marag madoont  in siyaasad dawlada m/weyn siilanyo  in uu ka muqdo fudayd badan ka fiirsi la’aan kana dhigaysa hogaan aan lays ku halayn Karin wa ay gabanayso waxayna meesh ka saaraysa kalsonidi ay shacbiga SL ku qabi lahaayeen  dawladu kuna matali lahayd;

d)Waxa wax laga xumado o ayan daro qaran ah m/weyn siilaanyo o xadhiga ka jaray dhawr goor xafisyo lagu kordhinayo  oo hadan lagu sheegayo mashariic horumarineed waxa laga yaaba inay hayadi dhistay dhawr ka gool oo anay dawladu lacagba ku bixiin mashariicda horimarineed miyaanay ahayn kuwo kor u qadaya adeegyada bulshada noocyadooda kala duwan  sida qalab wax so sar bereed kalumaysiga biyahaa cafimadka waxbarashada iyo kuw kobcinaya dhaaqalaha dalka

 

la soco…………………………………..

 

 

Fu’aad sh Ibrahim kooshin ”fu’aad tallow”

 

COMMENTS
LINKS