Liiska murashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ee ka qayb gelaya doorashada madaxtinimada Puntland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Liiska murashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ee ka qayb gelaya doorashada madaxtinimada Puntland
January 6, 2014 - Written by Editor:

garoowe wajaalenews;Guddiga doorashada ee Puntland ayaa goor dhawayd shaaciyey magacyada murashaxiinta ka qayb gelaya doorashada madaxtinimada ee u taagan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland shanta sano ee soo socota.

Guddoomiyha guddiga doorashada Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad ayaa waxyar kaddib markii uu soo idlaaday waqtiga qabashada araajida murashaxiintu, wuxuu warbaahinta usoo gudbiyey liiska murashaxiinta rasmiga ah ee ku tartami doona doorashada dhici doonta maalinta Arbacada ee ay taariikhdu ku beegan tahay 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2014.

Magacyada murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa kala ah:

  1. C/raxmaan Maxamed Faroole
  2. Cali Xaaji Warsame
  3. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas
  4. Shire Xaaji Faarax
  5. Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yeey
  6. Cali Cabdi Awaare
  7. Cali Cabdiqaadir Yuusuf
  8. Cabdiwali Maxamuud Guray
  9. Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
  10. Cabdilaahi Siciid Samater
  11. Maxamed Cabdinuur Xirsi

Xilka madaxweyne ku-xigeenkana waxaa u tartami doona:

  1. Cabdisamad Cali Shire
  2. Daahir Xaaji Khaliif Maxamed
  3. Cabdirisaaq Maxamed Cumar
  4. Maxamed Xirsi Ducaale
  5. Maxamuud Caydiid Dirir
  6. Axmed Cilmi Cismaan Garaash
  7. Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar
  8. Xusen Xaashi Xasan
  9. Cabdilaahi Cali Xirsi Timacade
  10. Cabdilaahi Daahir Maxamuud


Maalinta berri ah ayey murashaxiintu golaha wakiillada kahor jeedin doonaan taariikh nololeedkooda oo kooban iyo weliba waxyaabaha ay qaban doonaan haddiiba ay doorashada ku guuleystaan

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS