Kulmiye Isagaa Mucaaridad Iskugu Filan… Cabdilaahi M.Ducaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulmiye Isagaa Mucaaridad Iskugu Filan… Cabdilaahi M.Ducaale
January 30, 2014 - Written by Wariye:

Sida la’ogyahay waxa Muddooyinkii Dambe Saxaafadu qaadaa dhigaysay Muranka u Dhaxeeya Hogaanka Xisbiga Taladda Haya ee Xisbiga Kulmiye, iyadoo tiraba Dhawr jeer uu shirweynihii  Xisbigu uu Dib dhac ku yimid, Muranka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Xisbiga Kulmiye oo maalinba maalinta Ka dembaysa sii wiiqaya Awoodii Xisbi ee ay hire Xisbigu u lahaa waagii uu tertamaayay Hanashada Hogaanka Dalka ee uu Maanta Madaxweyne ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Muddo 40 Cisho ah ka dib ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku wareejiyay Hogaanka Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi sida uu ahaa Hashiiskii Shirweynihii lagu qabtey Magaaladda Burco ee Xisbigu ku doortey Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Ku Xigeenkiisa Mr. Saylici, Xisbiga Kulmiye oo inta badan ku urureyn Siyaasiyiinta aadka ugu  tunka weyn oo magac iyo Sumcadba ku leh Somaliland, ayaa ah qaar leh Damac siyaasadeed.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mj. Muuse Biixi Cabdi oo haatan Hogaamiye Xisbiga Kulmiye, ayaa ah qaar ay la’loolamayaan Siyaasiyiin ay isku Beel yihiin oo ugu Horeeyo wasiirka Maaliyadda Md. Cabdcasiis Maxamed Samaale, khilaafka Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee 5 Sanno ee soo socota iyo Madaxweynihii Bedeli lahaa Axmed Siilaanyo ayaa ah Mid aad u sareeya iyadoo Golaha Dhaxe ee Xisbiga Kulmiye ay noqdeyn taageeradda Garabyadda isku Haya Damaca Siyaasadda ee Xisbiga Kulmiye,

Dhanka kale Hanashadda Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee U Dhaxeeya Mujaahid Muuse Biixi iyo Cabdicasiis Samaaleayaa Sabatey tartanka Gudoomiye kuxigeenka Kowaad ee Xisbiga oo haatan uu Hogaamiye Mj Maxamed Kaahin Axmed, Jagadan oo uu Iclaamiyay in uu tertami doono Axmed Cilmi yare ooh ore Agaasime uga ahaan jiray Wasaaradda Deb-Dajinta.

Cabdilaahi Maxamed Ducaale ooh ore u ahaan Jirey Wasiirkii wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ee Dawladii Daahir Riyaale Kaahin ayaa markii Xilka laga Helay Xisbigii Kulmiye mar wax laga weydiiyay in ay ku Mucaaridayaan Xisbiga Kulmiye sidii ugu Mucaaridi jirey Xisbigoodii UDUB, Sheegay iNxisbiga Kulmiye isagu Mucaaridad iskugu Filan Yahay, isagoo u arkaayay Kuuxa Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye iyo Tirada Qoodha ee Kulmiye oo aad u badnayd, una Muuqday aanay wada gaadhayn xilalka  Dawladda.

Xisbiga Kulmiye oo ay wiiqday khilaaf siyaasadeed ayaa ah qaar u Adeega Xisbiyadda Mucaaridka, Barra Kacyo ku salaysan Damac Siyaasadeed ama Hanashadda Xilalka uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo Bixiyo.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa Dadka qaarkii qabaan Fikir ah in aanu isku wadi Karin Qoodha/ Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye.

Waxa kala Jebay Golihii Dhaxe ee Kulmiye, waxa Meesha ka baxay Gabi ahaan Awoodii Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye oo u Adeega Xisbiga Waddani oo isagu lahayn Xildhibaano ay Shacabku Soo Doorteyn Balse Fadhato ku wadda Xisbiga Kulmiye isaga oo ka Faa’ideysanaya Khilaafka Kulmiye ee aan Dhamaanin.

Hogaanka Kulmiye oo Runtii ka Gaabiyey isku heynta iyo Wadida Xisbiga Kulmiye, awood darro aqooneyd oo dhanka Siyaasadda ka Haysa awgeed ayaa Gudoomiye CIRRO uu Dhoosha uga qoslayaa marka la’sadqeenaayo shirgudoonkii Kulmiye ee hareerihiisa fadhiyay.

Muuse Biixi Waxa uu sheegtaa Gudoomiyaha Kulmiye iyo in uu Xaq u Leeyahay Hogaanka Waddanka marka uu baneeyo Meesha Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa laheyn Khibrad Siyaasadeed ama Hogaaminimo oo Ku filan, Sababtoo ah Markuu Axmed Siilaanyo uu Hogaaminaayay Xisbiga Kulmiye waxa uu isku waday Odayaal Siyaasadda aan isku soo Horfadhiisan Muddooyin Badan, Dhanka kale waxa uu marwalba Siilaanyo ka Hortagi Jiray Jilaabadda Xisbigii uu ka Adkaadey UDUB.

Gudoomiye Muuse Aawey Xisbigii, Halkay ku dambeeyeen Xildhibaanadii wakiiladda ee Xisbiga Kulmiye Sharaf makuu tahay in Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yaasiin maalin walba uu Cirro ku Dhoola Cadeeyo dibadana uga Soo Baxaan iyakoo Murugoonaya, Gudoom iye Muuse Biixi ma kula haboon  tahay in aad Sheegato Xisbigaa Hogaankiisa adigoo maalinkasta Daawanaya Dhirbaaxooyinka Waddani uu Ku Hayo Xukuumaddii uu Xisbiga Kulmiye soo doortey iyo Shirgudoonkoodii.

La’soc qeybra Dambe

Wariye Ali Qucure Dooyo

COMMENTS
LINKS