Kaluunka iyo Xasiidda oo si weyn ugu tartamaya suuqyada Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kaluunka iyo Xasiidda oo si weyn ugu tartamaya suuqyada Hargeysa
January 12, 2014 - Written by Editor:

Kaluunka iyo Xasiidda oo si weyn ugu tartamaya suuqyada Hargeysa

Hargeysa,  (wajaalenews) – Kalluunka iyo Xasiidda ayaa bilahan u dambeeyay si weyn ugu tartamaya suuqyada waaweyn ee magaalada Hargeysa ka dib markii ay dhalinyaro fara badan oo reer Somaliland ahi bilaabeen inay ka ganacsadaan kalluunka iyo xasiidda.

Dhalinyaradani waxay bilaabeen inay hareeraha wadooyinka ee magaalada Hargeysa soo dhigtaan girgirayaal iyo miisas, isla markaana ay mid waliba isku dayo inuu macaamiil samaysto, halka ay jiraan dhalinyaro kale oo reer Somaliland ah oo iyaguna samaystay meherado ay kalluunka ku iibiyaan.

“Isticmaalka Kalluunka maalin walba waxa ku kordha dhawr kilo, balse waxa ay ugu badan yihiin oo ay dadku cunaan kalluunka maalmaha Jimcaha iyo Khamiista” Sidaa waxa yidhi, Yaasiin CUmar Madar oo ka mid ah dhalinyarada ka ganacsatada kalluunka ee magaalada Hargeysa, balse waxa uu sheegay inay jiraan caqabado dhawr ah oo ay ka mid yihiin xaddiga kalluunka ay helaan oo yar, qiimaha lagaga iibiyo oo aad u sareeya ay keenaan inay qiimaha halkii kilo ee kallluun ah ku iibiyaan lacag ka badan 5$.

Yaasiin ayaa dhawaan furtay meherad ay ku iibiyaan kalluunka oo magaceeda la yidhaahdo King-Fish oo ku taala agagaarka Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaanay dhigeen talaagado iyo qalab kale oo lagu kaydiyo kaluunka, balse waxa kale oo iyaguna jira dhalinyaro kale oo iyagu kalluunka ku iibiya magaalada Hargeysa, kuwaasi oo aan iyagu lahayn talagaado, balse ku kaydiyo baraadado (weel xejiya qabawga). Waxaanay dhalinyaradani kaga duwan yihiin kuwa King-fish iyagu inta ay kilooyo soo iibsadaan ayay ku dubaan hareeraha wadooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa.

“Meheradani waxa aan ka sameeyay ilaa saddex meheradood oo kale, kuwaasi oo dhammaantoodba hadda ii shaqeeya, maalintiina waxaan ka helaa lacag lagu qadaro ilaa 25,000 oo Somaliland shillings ah meheradiiba” sidaana waxa yidhi, C/laahi Cumar oo ka mid ah dhalinyarada suuqa Gobonimo ee magaalada Hargeysa kaga ganacsada kalluunka wadada dhinaceeda lagu dubo. “Dadku marka ay wadada marayaan ayay nagu soo baydhaan oo ay naga iibsadaan kun shillin oo kaluun ah”.

Hase yeeshee, marka dhinaca kale laga eego inkasta oo aanay dhalinyaradani aqoon u lahayn xagga faya-dhawrka haddana mar arrintaasi wax laga weydiiyay waxay sheegeen in maadaama oo ay uu dabka saran yahay aanay taasi keenaynin wax dhibaato ah, halka ay inta kale ee baaqiga ahina qaboojiyaha ku jirto.

Marka laga yimaado kalluunka waxa iyana soo badanaya xasiidda wadada hareeraheeda lagu iibinayo taasi oo bilahan u dambeeyay aad waddo kasta oo ka mid ah magaalada Hargeysa ku arkayso.

Inkasta oo ay labaduba wax soo saar maxali ah yihiin, haddana marka la isbabardhigo xasiilayaasha iyo kaluunlayaasha waxa waqti xaadirkan magaalada Hargeysa ku badan xasiidlayaasha.

Hase yeeshee, kaluunku xilli walba wuu ku jiraa badaha Somaliland, balse xasiidu waqtiyo cayiman ayay soo go’daa, lamase garanayo sababta ay suuqyada ugu kala bateen, laakiin Yaasiin Cumar Madar oo ka mid ah mulkiilayaasha meheradda Kaluunka ee King-fish ayaa Saxafi u sheegay in noocyada kaluunka ee ay dadka reer Somaliland ugu jecel yihiin oo la yidhaahdo Deerak aan xaddi badan laga keenin badaha.

Isku soo wada duuboo, Kaluunka iyo xasiidda wadooyinka Hargeysa waxa ay calaamad wanaagsan u noqonayaan wax soo saarka maxaliga ah.

xigasho wargayska saxafi

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS