Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe Oo Loo Doortay Madaxwayne Cusub Iyado Dalkaasi Ay Ku Sii Fiyadaan Dagaallo Diimaysan
January 20, 2014 - Written by Editor:
Bangui(Wajaalenews) -Mudaneyaasha baarlamanka ee Jamhuriyadda Afrikada Dhexe ayaa duqa magaalada caasimadda ah ee Bangui u doortey inay noqoto madaxweynaha kumeel gaadhka ah ee dalkaasi.
Marwo Catherine Samba-Panza ayaa ku soo baxday wareeg labaad oo codeyn ah, iyadoo codad gaadhaya 75 kaga adkaatey Desire Kolingba oo ah wiil uu dhaley madaxweynihii hore ee Jamhuriyadda Afrikada Dhexe.
Hawsha ugu weyn ee hortaala ayaa ah inay isku daydo joojinta rabshado iyo dagaalo diimaha ku saleysan oo dhowr bilood dalka ka socdey Dagaaladaasi oo ay ku barakaceen ilaa 900,000 oo qof,kuwo kalena ku dhaawacmeen.
Samba-Panza waxay bedeleysaa madaxweynihii hore ee , Michel Djotodia, oo is casiley 10 kii bishi January, markii la saarey cadaadis caalami ah, isagoo ku guuldareystey inuu joojiyo rabshadaha socda.
Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub, ayaa iyaguna magaalada Brussels kaga dhawaaqey inay meel mariyeen qorshe ciidan boqolaal gaadhaya oo loogu dirayo Jamhuriyadda Afrikada Dhexe. Hawlgalka Midowga Yurub waxaa uu kaabi doonaa 1,600 oo ciidamo Faransiis ah iyo ku dhowaad 5,000 askari oo ka socda Midowga Afrika, kuwaas oo haatan dalkaasi ka hawlgala.
Sidoo kale, Mareykanka ayaa sheegey inuu bixinayo 30 milyan oo dollar oo dheeri ah si wax loogu qabto baahida degdegga ee arrimaha aadaminimo ee ka taagan Jamhuriyadda Afrikada Dhexe.
Inkastoo ay dalka ku sugan yihiin ciidamo nabad ilaalin ah oo caalami ah, hadana waxaa weli socda dagaalka u dhexeeya Muslimiinta iyo dadka Masixiyiinta ah,oo waliba maraya halkii ugu xumayd oo gaadhay in nolosha la isku gubo,iyada oo qaar ka mid ah wadooyinka wadankaasi si cadaan ah nolosha loogu gubo dad muslim ah.
Hay’adda gargaarka aadamiga ee Save the Children ayaa sheegtey in ugu yaraan 22 qof ay ku dhinteen meel ku dhow magaalada Bouar maalintii Jimcaha, markii la weerarey gawaari siddey Muslimiin ka cararayey dagaalada diimaha ku saleysan ee socda,halkaasi oo badan kooda nolosha lagu gubay.