|
|||||
WAJAALE NEWS
Iyamaa Guulaysan Doona Cabdiraxmaan Saylici Iyo Muuse Biixi?
January 8, 2014 - Written by Editor:Hargeisa Wajaalenews ;khilaafkan iyo muranka hadda soo cusboonaaday wuxuu toos ugu dhexeeyaa Cabdiraxmaan Saylici iyo Muuse Biixi Cabdi
Hargaysa(wajaalenews)–Iyadoo ay shirweynaha KULMIYE ka hadhsanyihiin muddo koobani ayaa waxa mar kale banaanka u soo baxay khilaafka marba la huurinayo ee xisbiga gudihiisa ka dhex jira. Md. Saylici iyo garab la socda ayaa la sheegay inay ku doodayaan in guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu maroorsaday awoodii shirweynaha xisbiga islamarkaana uu wax ka bedelay talooyin lagu gaadhay guriga guddoomiyaha Golaha guurtida. Khilaafyadii hore ee xisbiga ka dhex taagnaa waxay u dhexeeyeen guddoomiyaha xisbiga iyo Wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, laakiin khilaafkan iyo muranka hadda soo cusboonaaday wuxuu toos ugu dhexeeyaa Cabdiraxmaan Saylici iyo Muuse Biixi Cabdi, waxaanu Wasiir Samaale la socdaa Madaxweyne xigeenka, sida uu Maxamed Kaahinba ula socdo Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale waxa la kala safan guddiga fulinta, golaha wasiirada iyo hoggaanka xisbiga. Khilaafkaas hore ee Muuse Biixi iyo Samaale ka dhex jiray, waloow aan weli loo helin daawo rasmi ah haddana waxa lagu suuliyay go’aamo uu guddoomiyaha Guuritida iyo xildhibaano ka soo jeeda beeshiisu ay kaga odoyeeyeen loolanka xisbiga KULMIYE, iyagoo go’aamiyay inaan Muuse Biixi lagula tartamin guddoomiyenimada xisbgia KULMIYE, marka la gaadho shirweynaha, iyagoo markii dambena ka daba keenay inaan wax ka bedel lagu samayn guddiga fulinta, hoggaanka xisbiga iyo golaha dhexeba, taas oo aan weli la kala ogayn in Muuse Biixi si rasmi ah u aqbalay iyo in kale. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|