Hargaysa Oo Lagu Qabtay Shir Hawleed Ku Saabsan Horumarinta Maamul Wanaaga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hargaysa Oo Lagu Qabtay Shir Hawleed Ku Saabsan Horumarinta Maamul Wanaaga.
January 30, 2014 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaale News):- Shir Hawleed Ku Saabsan Sidii Ay Bulshada Rayidka Ahi Uga Shaqayn Lahayd Horumarinta Maamul Wanaagga Isla Markaana Ula Shaqayn Lahaayeen Gudida La Dagaalanka Musuqmaasuqa Iyo Maamul Wanaagga Ayaa Maanta Lagu Qabtay Hotel Maansoor Ee Magaalada Hargeysa.

Kulankan Oo Socon Doona Muddo Hal Maalin Ah Waxaa Ka Qayb Qaadanaya Qaybo Ka Tirsan Bulshada Rayidka Ah Ee Somaliland Ayaa Furitaankiisii Waxaa Hadal Ka Jeediyey Gudoomiye Ku Xigeenka Kumishinka La Dagaalanka Ahna Ku Simaha Xuseen Cabdilaahi Jaamac Waxana Uu Sheegay In Kulankan Ujeedadiisu Tahay In Lagu Fahmo Maamul Wanaaga Iyo Rukumada Uu Ku Taagan Yahay Hanaanka Maamul Wanaagsan Lagu Heli Karo.

Agaasimaha Guud Ee Kumishinka La Dagaalanka Musuqmaasuqa Iyo

Maamul Wanaaga Md Xasan Cumar Hoorri Oo Isna Kulankaasi Ka Hadlay Ayaa Faahfaahiyey Macnaha Dhabta Ah Ee Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Oo Saldhig U Ah Waxa Loo Yaqaano (Good Governance) Taasoo Ku Fadhida Afar Qodob Oo Kala Ah

1- In La Hagaajiyo Maamulka Wanaagsan Ee Xukuumadi Leedahay

2- Bulshada Rayidka Ah

3- Shaqaalaha Madaxa Banaan

4- Shacabweynaha Uu Dal Leeyahay

Agaasimaha Guud Waxa Uu Sheegay In Iskaashi Dhexmara Afartaasi Qaybood Uu Keeni Karo In La Helo Dawlad Wanaagsan

Dhanka Kalena Agaasimaha Guud Waxa Uu Sharaxay Tiirarka Looga Baahan Yahay Maamul Wanaaga Kuwaasoo Uu Ku Tilmaamay Inay Ka Mid Yihiin:

1- In La Helo Istiraatiijiyad Cad Oo Lagu Hago Maamulka La Doonayo Inuu Wanaagsanaado

2- Qaab Dhismeedkii Maamul Iyo Kii Maaliyadeed

3- Iyo In La Helo Adeeg Qorshaysan Oo Bulshada Loogu Adeegayo.

Kulankan  Oo Si Weyn Loogu Eegayo Hanaanka Ay Bulshada Rayidka Ahi Kaga Qayb Qaadan Karto Horumarinta Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Waxaa Kaloo Ka Hadlay Agaasimaha Maamul Wanaagga Ee Komishinka La Dagaalanka Musuqmaasuqa Iyo Dhisidda Maamul Wanaagga Ee Dalka Somaliland.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS