|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyihii Gobolka Tog-dheer oo ka War-bixiyay Is-casilaaddiisa
January 11, 2014 - Written by Editor:HARGEISA WAJAALENEWS; Guddoomiyihii gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji (Xamarji), ayaa sheegay inuu waraaqdii iscasiiladiisa u gudbiyey madaxweynaha, isla markaana uu madaxweynaha ka war sugayo. Guddoomiye Xamarje ayaa shalay inta aanu madaxweynuhu u safrin dalka Itoobiya u gudbiyey iscasiladaasi, inkastoo madaxweynuhu wali ka aqbalin, balse la sugayo inuu ka u jawaabo marka uu dalka ku soo laabto. “Bishan tobankeeddii ayaan madaxweynaha u qoray codsi ay ixtiraam , qadarin iyo xishood badani ku dheehan yahay inuu aan iska casilay xilkii aan xukuumadda u hayey ee badhasaabka gobolka Togdheer arrimo aniga ii gaar ah, cid kalana uu shaqadaydii u diro”ayuu yidhi badhasaabka gobolka Togdheer Xamarji oo warbaahinta u xaqiijinayey iscasilaadaasi uu dalbaday. “Wax dhibaato ahi ma jirto aniguna muddo badan ayaan soo shaqaynayey intaas aan shaqaynayeyna xaaladahaygii yo duruuftaydii ii gaarka ahayd ayaan ugu baahday inaan is casilo , waxaanan beeninayaa wax alle wixii kale ee mala awaal ah ee warbaahinta la mariyey inay waxba kama jiraan tahay is casilaadayduna waa inta aan qortay oo kaliya ,jawaabtana madaxweynaha ayaan ka sugayaa”ayuu raaciyey hadalkiisa. Inkastoo uu is-casiladaasi ku koobay arrimo u gaar ah, hadana wararka qaar ayaa sheegaya in shaqadaasi uu ka tagayo salka ku hayso murano iyo khilaaf ka jira maamulka gobolka Togdheer, isla markaana dhowaan ay ka dhaceen mudaharaado rabashado wato oo hal qof ku geeriyooday. Axmed Xamarji ayaa hore badhasaab uga ahaa gobolka Hargeysa ka hor inta aan Togdheer loo bedelin, waxaana jirtay in isagoo badhasaab ah lagu eedeeyey arrimo musuqmaasuq, isla markaana xabsiga loo taxaabay, inkastoo markii dambe maxkamaddi ku wayday dambigaasi oo madaxweynuhu dib ugu celiyey badhasaabkii hore ee uu ahaa. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
Related posts:Suldaanka Guud Ee Beesha Subeer Awal Oo Digniin Culus Udiray Madaxwayne Biixi, Sheegayna In Laga Tas... Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan (Saylici) Ayaa Si Rasmiya Xadhiga Uga Jaray Dhismaha... Halkan Ka Dhagayso; ‘Guddoomiye Cirro Waxaan Leeyahay Maxaa Ceebta Moos Kaaga Taala Magane kuu Ge... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|