Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Oo Ka Waramey Waxyaabihii U Qabsoomay Sanadkii Tagey ee 2013ka iyo Qoryashayaashooda Sanadka Cusub ee Dhinacayda Waxsoosaarka, Waxbarashada iyo Caafimaadka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Oo Ka Waramey Waxyaabihii U Qabsoomay Sanadkii Tagey ee 2013ka iyo Qoryashayaashooda Sanadka Cusub ee Dhinacayda Waxsoosaarka, Waxbarashada iyo Caafimaadka
January 7, 2014 - Written by Editor:
Sanadkaa tagey Degmada Dhinaca Caafimaadka in ay Wasaarada Caafimaadka iyo Hay,ada Ifad nagu caawiyeen Baabuur Ambulance ah oo Gurmadka degdega ah


Hargeysa(wajaalenews)-Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Axmed Aw Ciise Maxamuud ayaa ka waramey waxyaabaha maamul ahaan u qabsoomay Degmada Alleybadey sanadka dhamaadey ee 2013ka dhinacyada Waxabarashada, Caafimaadka,Biyaha iyo Waxsoosaarka Beeraha ee Degmada Alleybadey, tacabka badan galiyaan Beeraleyda iyo Shacbigu sanad kasta iyagoo, uga faa,ideysanaya Biyaha Baliyada Deegaankaasi.
Waxa kale oo Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Warbixintiisan kaga Hadley arimo door ah oo ay kamid yihiin Qorshayaasha Maamul ahaan uga yaala ka Qeyb qaadashada Hurumarinta Dugsiyada Degmada ee ku yaala Tuulooyinka faraha badan ee hoos yimaada Maamul ahaan Degmadaasi isagoo Xusey in ay Qorshayaasha Sanadkan Cusub ay ku bartilmaameedsanayaan ololaha Dhismaha Jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Alleybadey oo in badan hindisihiisa Alleybadey lagu taamayay mudo badan.
Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Axmed Aw Ciise Maxamuud oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews uga waramey Waxyaabihii ka qabsoomay Degmada Alleybadey sanadkii tagey waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan
“Hadaan ka hadlo Waxyaabaha ugu muhiimsan ee loo tiriyo Degmada Alleybadey sanadkaa dhamaadey waxa u horeeya Dhagax dhigii uu Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), dhagax dhigay Dhismaha Jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Degmada Alleybadey, oo aanu ilaa Sanadkan cusub ee bilaabmey howsheedii wadno si fiicana noogu socota waxa kale oo iyaduna muhiimad leh oo Degmada ka hirgaley qaar kamid ah Dugsiyada Hoose ee Degmada Alleybadey oo laba laba fasal ahaa oo loo sameeyay sida Dugsiga Gees-dheere, Dugsiga Harcadaad iyo Dugsiga Sare oo Fasal ka dhinaa oo isagana la dhameys tirey Sanadkaa dhamaadey,Dugsiga Hoose dhexe ee Alleybadey, oo isagana laba fasal lagu darey Dugsiga Teysa, oo isagana laba fasal lagu kordhiyay, waxyaabaha muhiimada weyn u leh Degmada Alleybadey ee Sanadkaa dhamaadey aanu u tirino waxa kamid ah meel dhibaato culus ku haysey Degmada oo aheyd Xeradii hore ee Ciidamada Milatariga oo Ciidanka Qaranka Somaliland la wareegay, taas oo Dad Shacbi ahi haysteen sida ay hada qeybo kale oo badani u haystaan dhulkii seeraha Dowlada ee Qadowga oo Sanad Walba rabshado ka dhacaan, halkaas oo laba qoys isku dileen dadna ku dhinteen markii dambena Maxkamadi Xukuntey in Ciidanka lagu wareejiyo,waxa kale oo Maamul ahaan noo suurtagley in aanu ka Shaqeyno Gudaha Magaalada oo buux buuxino meelaha Roobabka daadadkoodu gooyeen, waxaanu dhigney caratuul iyo dhagaxaan si fiican bay noogu hirgashey, waxa kale oo aanu ku xasuusan doonaan Sanadka dhamaadey in ay noo suurtagshey inaanu dib usoo nooleyno Xidhiidhka inaga dhexeeya Maamulka Degmada Qabri Bayax ee dhinaca Itoobiya, oo mudo sadex sano aheyd aanu wax xidhiidh ahi dhicin, wada shaqeyn ayaanu yeelaney hada meel fiicana ayay noo mareysaa”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Alleybadey.
Waxa kale oo uu ka Hadley Gudoomiyuhu dhinaca Xuduudaha Degmada Alleybadey, isagoo sheegay in ay dhinaca Somaliland xuduud la wadaagto, Degmooyinka Gabiley, Arabsiyo, Geedblaadh oo dhamaantood katirsan Gobolka Gabiley, Waxaanu Xusey In aanay jirin wakhtigan wax muran ah oo ku sahabsan dhinaca xuduuda Degmooyinkaasi isagoo sheegay in Tuulooyinka Geed-Abeera Geesdheere ay kamid yihiin Degmada oo Alleybadey, oo aanay aheyn Aarbsiyo.
“Hadaan ka hadlo Tuulooyinka Degmada hoos yimaada ee Wasaarada Arimaha Guduhu Alleybadey ku ogtahey waxa kamid ah Geed-Abeera waxaana ka qabsoomay Sanadkaa tagey Mashruuca caro xidhka Beeraha oo ay gacan naga siisay Ha,yada layidhaa Consowelworld iyada iyo Tuulada Teysa labadaba inkastoo Mashruucii ka dhamaadey, waxa kale oo dhinaca dhaamamka nooga qabsoomay Wax badan taas oo ay naga caawisey Hay,ada Action-Aid oo sadex iyo toban dhaam noo sameysay una qodey Beeraleyda iyo Dadweynaha Reer Alleybadey kuwaas oo ahaa dhaamamka yaryar iyo sadex dhaam oo waaweyn waxa kale oo Action-Aid ka qabatey Degmada iyadoo matoorada iyo qalabka Beeraha naga caawisey iyo waliba aqoon korodhsiga iyo tababarada dhinaca Beeraha, iyada iyo Wasaarada Beeraha, hadaan ka hadlo waxyaabaha ka hirgaley Sanadkaa tagey Degmada Dhinaca Caafimaadka in ay Wasaarada Caafimaadka iyo Hay,ada Ifad nagu caawiyeen Baabuur Ambulance ah oo Gurmadka degdega ah ee dhinaca Caafimaadka Degmada loogu talagaley, iyo waliba daawooyin badan oo ay soo gaadhsiiyeen Mchka”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Axmed Aw Ciise Maxamuud.
Waxa kale oo uu ka Waramey Gudoomiyaha Degmada Alleybadey in dhinaca Kabka ay ka filayeen Degmada Gabiley ee uu jideynayo Xeerka Gobolada iyo Degmooyinku “Habayaraatee majiraan wax Degmada Alleybadey iyo Degmooyinka kale ee Gobolka kasoo gaadha Gabiley maxaa yeelay Xeerka Gobolada iyo Degmooyinka ee Xeer 23 ayaa waxa uu nasiinayaa in Degma waliba ilaa inta uu Baarlamaanku ansixinayo Degmadii ay ka go,dey wax la leedahay wali waxba nagama soo gaadhin waxbana kama helno Degmada Gabiley iyo Golaheeda Deegaanka ayay ku kooban tahey Dakhliga kasoo xerooda Kastamka Cashuuraha qaadka, mararka qaar ayaanu Badhasaabka kala hadalnaa Wajaale ayaa nala mid ah oo aan Gabiley wax kasoo galin oo aan loo hanjabeyne Wajaale haloo wareejiyo oo Wajaale cadkii aanu laheyun birta ha u dhigato iyadaanu wax ka qaadane hadii ay Gabiley kuumiyataano noo ogolaan weyday markaa Wasaarada iyo Badhasaabkaba waanu la socodsiinay in aanu kab ka helno dakhligan usoo xerooda oo shantayada Degmaba wax go,an nalaga siiyo?Ayuu yidhi Gudoomiyaha Alleybadey.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Axmed Aw Ciise Maxamuud waxa uu ka Hadley Mashruuca Gplg oo ay Gabiley kamid tahey Degmooyinka laga hirgaliyay isagoo farta ku fiiqey in ay labadii sano ee hore laga qadiyay Degmooyinkooda haseyeeshee, ay Sanadkan imika bilaabmaya Wasaarada Qorsheyntu ugu balnaqaadey in ay ka qeyb gali doonaan isagoo sheegay in Sibinaar arintaa ku wajahan ay ku kulmeen Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolku Gabiley taas oo la isula soo qaadey arintaas.
Waxaanu hadalkiisa Warbixintan ku gunaanadey Gudoomiyaha Degmada Alleybadey lacag ay ku darsadeen Dhismaha jidka u dhexeeya Alleybadey iyo Hargeysa waxaanu carabka ku dhutey in marka laga reebo Gurmadka iyo howlaha ay jidkaa ka geysteen ee kharsahaadka dheeraadka ah ay ku dareen lacag gaadheysa Dhowr kun oo lacgata Dollarka Mareykanka ah.
Sikastaba ha ahaatee Degmooyinka Gobolka Gabiley ee Alleybadey kamid tahey ayaa fiiro gaar ah ku haya Lacagaha Malaayiinka Shililnka Somaliland ah ee Maalin walba uga soo Xerooda Degmada Gabiley Kastamka Cashuuraha qaadka taas, oo aanay wax gacansiin ah ka helin Degmooyinka Gobolku iyadoo lagu qiyaasay dakhliga soo galey Sanadkii ugu dambeeyay lacag dhan laba malyuun oo dollarka Mareykanka ah.

WAJAALENEWS DESK

 

 

COMMENTS
LINKS