Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Oo Dalbadey In Uu Iska Casilayo Xilka Gudoomiyaha Maamulka Alleybadey Sheegeyna In Uu Isku Casilayo Arimo Ugaar ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Oo Dalbadey In Uu Iska Casilayo Xilka Gudoomiyaha Maamulka Alleybadey Sheegeyna In Uu Isku Casilayo Arimo Ugaar ah
January 27, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS ;Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Axmed Aw Ciise Maxamuud ayaa ka dalbadey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade in uu iska casilayo Xilka Gudoomiyanimo ee Maamulka Degmada Alleybadey kadib markii, uu ka eegay dhinaca Duruufo ugaar ah oo aanu Xilkaasi kusii hayn kareyn.

 

Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Axmed AwCiise Maxamuud oo warbaahinta u Waramey Huteelka Xaraf ee Magaalada

Hargeysa ayaa, xaqiijiyay in uu Istiqaalada uu ku dalbanayo is casilaada Xilka Gudoomiyanimo ee Maamulka Degmada Alleybadey in uu u gudbiyay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade waxaanu, sheegay Gudoomiyihu in uu u baneynayo Xilkaasi cid kasta oo ku faraxsan in uu halkaasi tago, oo qabto jagada uu baneeyay, isagoo dhinaca kalena Xusey in is casilaadiisu la Xidhiidho Arimo ugaar ah oo isaga lasoo dersay.

 

 

“Waxaan halkan uga cadeynayaa dhamaanba Bulshada Gobollka Gabiley, iyo Dadweynaha Reer Alleybadey ee Guda iyo dibadba jooga inaan Xilkii Gudoomiyanimo ee Degmada aan u dalbadey 26/1/2014 ka inaan iska casilo

Xilkii Gudoomiyaha Maamulka Degmada Alleybadey, arimo aniga ii gaar ah

awgeed sidaa dardaadeedna aan rajeynayo inuu aqabli doono Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade waxaan leeyahey haku farxaan rag badan oo booskaa doonaayay in ay aniga I badelaan oo buuxiyaan Xilka aan ka tagayo hadey calaf ku leeyihiin, hana ku farxaan qaar badan oo jeclaa inaan ka tago Degmada iyo kuwii Warbaahinta qaarkeed ka odhan jirey Hargeysa ayuu joogaa”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Axmed Aw Ciise Maxamuud.

 

Sikastaba ha ahaatee Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Axmed Aw Ciise

ayaa Xilka Gudoomiyanimo ee Degmada Alleybadey hayay mudo dhan Sanad iyo Shan bilood halkaas oo lagu xasuusan doono Gudoomiyahan hal adeyg mudadii uu Xilka hayay, iyo waliba kalsooni badan oo uu naftiisa ka qabey, taas oo lamid noqoneysa Degmada Alleybadey Gudoomiyihii labaad ee kalsooni leh ee soo mara Xilkaasi marka loo eego Gudoomiyihii xiligii Xukuumadii hore Xildhibaan Xasan-Shahar oo kalsoonida Gudoomiyahan oo kale lahaa

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS