Gudoomiyaha Arabsiyo Oo Ka Waramey Waxyaabaha U Qabsoomay Sanadkii Tagey ee 2013ka iyo Dhibaatooyinka Dhinaca dhaqaalaha Qatanaanta Mashruuca Gplg | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Arabsiyo Oo Ka Waramey Waxyaabaha U Qabsoomay Sanadkii Tagey ee 2013ka iyo Dhibaatooyinka Dhinaca dhaqaalaha Qatanaanta Mashruuca Gplg
January 4, 2014 - Written by editor

duruufaha dhaqaale ee lasoo dersay Degmada Arabsiyo, waxyaabihii u qabsoomey sanadkii lasoo dhaafey, iyo kabka aaney ka helin Dakhliga D/hoose ee Degmada Gabiley, iyo ka Xukuumada dhexe midna Waxa kale oo uu ka Hadley Mashruuca GPLG iyo sida ay uga qatan yihiin

Arabsiyo(WJN)-Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo C/laahi Cabdi Faarax oo Shabakada Wararka ee WajaaleNews uga waramey Warbixin tafdheer oo ku wajahan duruufaha dhaqaale ee lasoo dersay Degmada Arabsiyo, waxyaabihii u qabsoomey sanadkii lasoo dhaafey, iyo kabka aaney ka helin Dakhliga D/hoose ee Degmada Gabiley, iyo ka Xukuumada dhexe midna   Waxa kale oo uu ka Hadley Mashruuca GPLG iyo sida ay uga qatan yihiin.       

Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi Faarax isagoo ka waramaya waxa uu yidhi.

Waxa jira Mashruuca GPLG oo Sanadkan ka bilaabmay Gabiley, oo ka socdey Sanadkii dhamaadey ee 2013ka iyo waliba sanadkan aynu galney ee 2014ka mashaariicdiisa Degmada Arabsiyo waxba lagama siinin, Gabiley iyadaa gaar iskugu koobta mana garaneyno meel ay wax kasi yihiin, waxaanu codsaneynaa Hay,adaha Caalamiga ah,Xukuumada dhexe iyo cid kasta oo ay arintaasi khuseyso in nalaga qeyb galiyo wixii aanu xaq u leenahey?Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo.

Waxa kale oo uu ka waramey ka hor intaanu ka warbixin xaalada Guud ee Degmada Waxyaabihii u qabsoomay sanadkii tagey ee 2013ka iyo Waxaqabdkii Xukuumadu ka qabatey Degmada dhaqaale xumo kasoo waajahdey Cashuurtii uga soo xeroon jirtey beeraha oo ay kala wareegeen Wasaaradaha Beeraha iyo Maaliyada haseyeeshee aan qaadin cashuurtaas Degmadana seegtey.

?dhibaatada ugu weyn ee Degmada Haysta intaanan guda galin waxa qabsoomay waxa ugu horeeya kab malihin , dhaqaalihii kasoo bixi jirey Cashuurta Beeraha, waxa nagala Wareegay laba Wasaaradood oo kala ah Wasaarada Beeraha iyo Maaliyada, may qaadin cashuurtaasi, wey baaqatey anagana wey dhaaftey waana dakhli ka maqan Degmada waxaanay kamid aheyd waxyaabihii Arabsiyo Degmada ku heshay, oo aheyd in ay intaas oo beerood ayey  leedahay, beerihiina waa nalagala wareegay dhinaca kale kab ma hesho Degmadu kabka Dowlada dhexe oo ay xaq u leedahay oo xeer 12 u ogolyahey qodobkiisa 14aad farqadaha(A)(C)(D),iyo(V), oo Degmo waliba wax leedhaya Degmadii ay kasoo go,dey ka loo yaqaano kabka D/hoose iyo ka loo yaqaano kabka Dowlada Dhexe oo Kastmakaa Cashuuraha Kalabeydh wax lagu Qeybsan lahaa, labadaa midna ma qaadato Arabsiyo xeerkaa meel laga mareyna magaranayo, waayo imika Degmada Gabiley waxa maalin walba kasoo gala Kalabeydhka Konton Malyuun oo Shilinka Somaliland ah, walina Gobol looma aqoonsan oo waa Degmadii Degmadaasina, waxa wax la leh dhulkii kale iyo Degmooyinkii kale ee ka faracamey, inta la axsixinayo waxbey la leeyihiin Xeerku sida uu dhigayo, mana jirto inta aan garanayo ilaa iyo hada Shiln naga soo gala hadaanu nahey Degmooyinkii Gabiley kamid ahaa gaarkooda ayay u qaataan, meel xeerkii laga mareyna magaran kareyno, waana wax Degmada ka maqan, oo Degmooyinka kalena, ka maqan, maadaama beerihii Dakhliga kasoo gali jirey ee Cashuurihii ka go,ay dakhliga Degmadu hoos ayuu u dhacey?Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo.

 

Waxa kale oo Warbixinta Gudoomiyihu ku sheegay in ay Sooyaal ahaan Arabsiyo Degmanimada la jaanqaadey bilowgii Xukuumada Kulmiye maadaama Degmo laga dhigay Dabyaaqadii Xukuumadii Rayaale.

?Degmada Arabsiyo waa Degmo Curdin oo lamagacaabey 2010kii bishii lixaad ee dabayaaqadii Xukuumadii Rayaale, Degmadu mudadii ay jirtey waxey ku talaabsatey waxyaabo aan kajirin labaatankii sano ee hore, waana Degmo beeraley xoolo dhaqato ah, waana dhulka dalxiiska Somaliland ee Beeraha loosoo dalxiis tago waa beeraha janada marka aan tilmaamo,marka dalkeena loo eego bogcada ay ku taalo, hawadeeda iyo neecowda, Degmada waxa mara dooxyo fara badan oo waxsoo saar leh oo beeraha beer biyooda ah , ilaa todoba doox marka laga soo bilaabo uudaan,huluuq, biyo cas,agamsaha Arabsiyo, Beeyo qaloocan, caraguduudan, Ceel-giniiseed, dhalaada, dhulkaas oo dhami waa dhul ay bustaanadu hadhac yihiin, oo waxsoosaar badan leh dhinaca khudaarta Beeraha, waxsoosaarkaasina waxa uu gaadhaa Gobolada Bariga ilaa iyo puntland ayaa loo qaadaa, waxa jira xiligan ama Sanadkii tagey beero badan oo wax laga qabtey oo dhinaca Gogol wanaag iyo Geed-Abeera, oo lagu sameeyay dhulkii caro guurku ku dhacayay, oo biyo qabatin loo sameeyay,(Water-shed) taas oo ay ka howlgalaan Hay,adaha Concel- ay ugu weyn tahey kuwaas oo Beeraha u xidha Biyaha, waxey ka qabteen Beeraleyda dhaqaalaha Dumarka?Ayuu yidhi Gudmooyaha Degmada Arabsiyo C/laahi Cabdi Faarax.

Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa ?Sanadkii ugu dambeeyay ee imika ina dhaafey 2013ka Degmada waxa ka hirgaley, dhismaha iyo xidhitaanka laba gabyan oo waaweyn, oo mid yahey shan boqol oo mitir oo Madexweynuhu xidhay dedaal badana aanu ka geysanay, ka maamul ahaan, waxa kale oo jira gabyankii labaad ee Dooxu kusoo fidiyay Magaalada oo ahaa gabyankii hore ee dhamaadey wakhtigii ingiriiska,oo ay suurtagal aheyd in ay daadadku kasoo fatahaan,waala qabtey kaasna waxaana gacanta ugu weyn ka qeyb qaatey Qurba jooga Degmada Arabsiyo iyo Dadweynaha kaleba Arabsiyo umay kala hadhin Gudaha iyo Dibadaba wey isugu tagtey, waxa kale oo noo qabsoomay sanadkaasi, Ceel biyood rig ah oo Magaalada Shan Km ujira oo Biyo macaan leh, haseyeeshee soo gaadhsiintii Biyihu qasabadihii ay dhiman yihiin, taas oo aanay Wali Magaalada Arabsiyo haysanin biyo nadiif ah oo ku filan maadaama ay maanta ka cabto Ceel Gacmeed, dhinaca Waxbarashada Arabsiyo ilaa sideemaadkii waxey laheyd Dugsiyo dhameys tiran, oo Hoose, dhexe iyo Sareba leh, dalkii hore la isugu odhan jirey Soomaaliyana ma jirin meel Tuulo aheyd oo aan Heer Degmo gaadhin oo laheyd Dugsi sare marka laga Reebo Degmadan Arabsiyo, hadaan u leexdo Dhinaca Caafimaadka waxa jirey in Qurba jooga kasoo Jeeda Degmada Arabsiyo ay doonayeen in ay dhisaan Hal Cusbitaal, dhismaha badh ayay dhiseen halkii baanu ku joogsadey, hadaan la bilaabina wuu dumayaa, dhinaca kale, mudadii aan la wareegay Maamulka Degmada Arabsiyo, waxaan ka howlgaley MCHka oo Dumayay, waxaanan ugu tagey Wasiirka Caafimaadka anigoo ku waragliyay in uu dumayo MCHku goob kale oo Caafimaadna aanay jirin waanu iga aqbaley Wasiirku oo Xanaanadii intii la dumiyay ayaa dib loo dhisay waxaana maanta loo aqoonsadey in ay tahey Health-Center, waxaana ka shaqeeya maanta dhowr iyo toban kalkaaliyaal oo Caafimaadka ah, waxaana ka kaba dhinaca daawada iyo gunada shaqaalaha laba hay,dood oo kala ah GAVA, iyo Wordvision, sifiicana uga howlgala, xaga jidadkana wey ka liidataa?Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo.

Gabagabadii hadalkiisana waxa uu kusoo Khatimey Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi Faarax in uu dalka kasocdo Hurumar balaadhan in ay qurba jooga Arabsiyo kasoo qeyb qaataan hurmarkaas oo ay Degmadooda wax ka qabtaan, isagoo sigaar ah ugu mahad celiyay Madexweynaha Somaliland,Marwadiisa iyo Wasiirka Waxbarashada Somaliland.

WAJAALE NEWS DESK 

GABILEY OFFICE 

 

COMMENTS
LINKS