Gudomiyaha Xisbiga WADANI Oo Si Sharciyeysan U Iftiimiyey Dariiqyada Loo Maro Marka La Doonayo In La Xidho Qof Muwaadin, Halka Ay Xukuumadda Habeen Madaw Ku Jihayso RRU-da. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudomiyaha Xisbiga WADANI Oo Si Sharciyeysan U Iftiimiyey Dariiqyada Loo Maro Marka La Doonayo In La Xidho Qof Muwaadin, Halka Ay Xukuumadda Habeen Madaw Ku Jihayso RRU-da.
January 6, 2014 - Written by Wariye:

ciroHargeysa(Wajaale News):-Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ahna Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa si sharciyeysan uga hadlay sharciyada loo adeegsado marka la qabanayo ruux muwaadin ah isla markaana ka dareen celiyey xadhigii sharci darrada ahaa ee ay RRU-du ugu dhaceen xabeen badhka gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar,waxa uu Gudomiye Cirro si sharciyaysan u iftiimiyey dariiqyada uu sharcigu jidaynayo marka qof muwaadin ah la doonayo in la xidho,Gudomiye Md Cabdiraxman Cirro oo qoraalkan ku baahiye barta xiidhka dadwaynaha  uu ku leeyahay ee Face-book-ga ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Guuleed Daahir Samater: Muwaadin Somalilander ah iyo Hawl-Wadeen ka tirsan Xisbiga ‪#‎Wadani.
Muwaadin kastaa waa in loola dhaqmo sida Distuurka iyo xeerarka_shaci jideeyeen. Mana aha in muwaadiniinta lagu xad-gudbo. Dawladuna waa inay ilaalisaa Xaqa muwaadinka iyo sharcigaba. Shacabka ciddii sharciga ku xad-gudubtana waa in loola dhaqmaa sida ku cad sharciga iyo distuurka.
Muwaadiniintuna waa inay sharci dhowraan, kala dambaynta iyo Nabadana ilaaliyaan.
Masuulkasta iyo dhamaan shacabka waxaa ku waajib ah inay bartaan Distuurka iyo sharciga Wadanka.

soo deynta GUULEED-na waanu ku faraxsanahay.

QODOBKA 24aad, QODOBKA 25aaD, QODOBKA 26aad, QODOBKA 27aad, iyo QODOBKA 29aad ee Dastuurka ‪#‎Somalilandwaxaa Qodobadaas ka mid ah:

XAQA NOLOSHA, NABAD GALEYNTA JIDHKA, XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA GALO XUQUUQDA AADAMIGA
Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.

XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYAADKA
Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.
Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.

CIQAAB IYO DEMBI
Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.
Mas’uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya.
Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.

XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY
Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado.

XURMAYNTA HOYGA:
Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha.”

Isku soo wada duub oo marka aad soo akhrido qoraal shaciyeedkaasi uu inoo soo qoray gudoomiyaha xisbiga wadani ahna gudoomiyaha golaha sharci dejinta ama golaha baarlamaanka waxa ay xambaarsantahay marka la donayo in qof muwadin ah la xidho wadiiqooyinka loo soo maro,taasi badal keeda  marka aad eegto qaabka ay xukuumadda madaxwayne silanyo u soo qabato dadka waa qaab kaaf iyo kala dheeri ah,sida dhacday tiroba dhawr jeer waxa ay xukuumaddu ku jihaysaa ciidanka RRU-da loo yaqaano oo habeen madaw guriga ugu dhacaya qorkii isla markaana laga yaabo in ay halkaasi dhibaatooyin ka dhacaan,dhacdadii ugu dambaysay ee dhawr maalmood ka hor ayaa waxa ay ku dhacday gudoomiyihii hore ee Gobolka Togdheer oo ay ciidanka RRU-du hurdada ku mireen isla markaana ay xabsiga dhigeen,isla markaana dhibaatooyin kale gaadhsiiyeen guriga sida ay ku dooday xaaskiisa oo warbaahinta la hadashay.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS