|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudida Fulinta Xisbiga UCID Oo Xilkii Ka Xayuubiyay Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Xisbigaasi
January 2, 2014 - Written by Editor:HARGEISA WAJAALENEWS Waxa aanu xubnaha xisbiga ucid iyo taageerayaashaba la socodsiinaynaa inaanu Mudane Cabdixakiim Garaan Maxamed wax
2Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID Justice and Welfare Party حزب العداله والرأفة Ref/UCID/002/2014 Date: 02/Jan/2014 Ujeedo:War-saxaafadeed
Guddida fullinta ee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, ayaa kal-fadhigoodii todobaad-laha ahaa fadhiistay maanta oo ay taariikhdu tahay 02/01/2014, waxa ay go?aamiyeen inay lagama maarmaan tahay waqtigan in dib u habayn lagu sameeyo dhismaha hogaanka xisbiga,gudida fulinta iyo golaha dhexe ka hor intaan doorashooyinka dalka ku soo fool lihi qabsoomin.
Sidaa darteed markay gudidu aragtay xeerka xisbiga qodobka 14aad firqadiisa 2aad,qodobka 19aad firqadiisa 7aad iyo qodobka 7aad firqadihiisa 1,2,3aad waxay aqoonsatay Gudoomiye/kuxigeenka 2aad ee xisbiga ucid Mudane Cabdixakiim Garaad Maxamed: 1.Inuu hawshii loo igmaday aanu fulin. 2.Inuu joojiyay dhamaan xidhiidhkii hogaanka sare ee xisbiga ucid. 3.Inuu u hogaansami waayay xeerka iyo barmaamij-yada siyaasadeed ee UCID.
Xisbiga cadaalada iyo daryeelka waxa uu qirayaa Mudane Cabdixakiim inuu yahay muwaadin qadarin naga mudan,ceeb kalana aanu lahayn balse hawshii loo igmaday uu gabay.
Sidaa darteed baahida xisbiga ucid u qabo in xubno firfircoon loo xil saaro jagooyinka muhiimka ah waxa ay G.Fulintu go?aamisay: A)Xilkii Gudoomiye/kuxigeenka ee uu Mudane Cabdixakiim Garaad u hayay xisbiga Lagu wareejiyo xubin kaga haboon oo hawsha u gacan banaan,kana hawl gala dalka gudihiisa.
b)Waxa aanu xubnaha xisbiga ucid iyo taageerayaashaba la socodsiinaynaa inaanu Mudane Cabdixakiim Garaan Maxamed wax xil ah ka hayn xisbiga ucid laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 02/01/2014.
ALLAAH MAHAD LEH
Guddida Fullintaee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID Xarunta Dhexe ee Xisbiga UCID, Hargeysa, Soomaaliland
Related posts:“Beeshani Waxba Ma Tabato Ee Way Talisaa, Beeshani Ma Cabato Ee Way Dulqaadataa oo Kaalintas Ayeyna ... Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo ka Hadlay Dareenkiisa ku aaddan Kulankii shalay Dhex maray madax... Caa'isha Romano: Sababaha aan ku jeclaaday diinta Islaamka, Itusayna in Qur'aanku yahay kalaamka All... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|