Guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID Iyo Wadani Oo Ka Qayb Galay Caleemo Saarka Ugaas Cusub (Sawiro) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID Iyo Wadani Oo Ka Qayb Galay Caleemo Saarka Ugaas Cusub (Sawiro)
January 9, 2014 - Written by editor

Waxa xusid mudan in gudoomiyaha xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabena kasoo qaybgalay xafladda

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wafti balaadhan oo uu horkacayo ayaa ka qaybgalay caleemo saarka ugaaska cusub ee Ugaas Maxamed Cabdilaahi Ibraahin Magan (Jabane) oo lagu caleemo saaray deegaanka Abu-riin ee koonfurta Abaarso.

Waftiga uu horkacayey gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa abbaaro tobankii subaxnimo lagu soo dhaweeyey madasha caleemo saarka ugaaska cusub ee Beesha makaahiil Isaaq oo ka dhacaysay deegaankaas Abu-riin.

Gudoomiyaha Cirro ayaalagu qaabilay roog cas iyo sacab balaadhan markii uu goobta gaadhay iyada oo uu halkaas kala qaybqaatay dadweynihii joogay farxaddii caleemo saarka ugaaska cusub ee makaahiil isaaq.

Gudoomiyaha ayaa ugu horayn halkaas duco iyo dardaaran balaadhan uga jeediyey Ugaaska cusub Ugaas Maxamed Cabdilaahi Ibraahin (Jabane), iyada oo xubnihii kale ee waftiga gudoomiyuhuna ay halkaas ugaaska uga soo jeediyeen duco iyo hambalyaba.

Gudoomiyaha iyo waftigiisa ayaa kasoo ambabaxay deegaanka abu-riin markii ay lasoo gunaanaday caleemo saarkii ugaaska cusub ee makaahiil una soo baqoolay dhinaca magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Isku soo wada duuboo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaarika ah ee WADDANi iyo waftigiisa ayaa door muhiim ah ka ciyaaray xafladda caleemo saarka ugaaska cusub ee beesha Makaahiil.

Waxa xusid mudan in gudoomiyaha xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabena kasoo qaybgalay xafladda caleemo saarka ugaaskan cusub halka aanay goobta ka muuqan cid ka socota xukuumadda Somaliland.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS