Guddoomiye Ku Xigeenka Kulmiye Oo Yeedhmo Marin Habawday Ku Tilmaamay Wareegto Uu Madaxweyne Ku Xigeenku Isugu Yeedhay Gudida Fulinta Ee Xisbiga Kumiye (Akhriso Labada War-saxaafadeed) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiye Ku Xigeenka Kulmiye Oo Yeedhmo Marin Habawday Ku Tilmaamay Wareegto Uu Madaxweyne Ku Xigeenku Isugu Yeedhay Gudida Fulinta Ee Xisbiga Kumiye (Akhriso Labada War-saxaafadeed)
January 6, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News):- Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa sharci darro ku tilmaamay yeedhmada ka soo yeedhay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isugu yeedhay Gudida Fulinta ee xisbiga Kulmiye.
Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Guddoomiyeha Xisbigaas oo keli ahi uu awood u leeyahay in la isugu yeedho guddida Fulinta.

Warsaxaafadeedkan oo uu nuqul ka mid

ahi soo gaadhay Xafiiska Wararka ee wajaalenews, ayaa waxa uu yidhi

Shirweynaha 3aad ee xisbigha KULMIYE waxa uu ku mudaysanyahay 21/01/2014, hawshii shirweynaha  waxa gacanta ku haya Gudiga Qabanqaabada ee loo xilsaaray diyaarinta iyo abaabulka shirweynaha, waxaanna u qabsoomay guddiga:

1.     In la doortay  Guddoonkii Guddiga oo kala ah;

Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeenno, xoghaye iyo Afhayeen

2.    Waxay diyaariyeen  xeer-hoosaadkii hagayey hawlaha Guddiga

3.    Waxay magacaabeen  Guddi-hoosaadyadii u xilsaarnaa hawlaha kala duwan ee Qabanqaabada

4.    Waxay diyaariyeen qorshe hawleedkii  (work  plan) guddigu ku shaqaynlahaayeen.

Hawlahaas oo dhammaan ay guddiga Qabanqaabadu si madaxbannana u fuliyeen, sidaa darteed, hawlihii Qabanqaabada shirweynuhu waxay u socdaan si habsami ah,  shirweynuhuna waxa uu qabsoomayaa muddadii loogu talogalay sida uu dhigayo xeerka xisbiga KULMIYE.

Fadhiyada Guddiga fulinta xisbiga waxa isugu yeedhi kara Guddoomiyaha xisbiga, ajandeyaasha Guddigana  waxa diyaarinaya Xoghayaha Guud ee Xisbiga.

Sidaa darteed, warqada uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland isugu yeedhayo Guddiga Fulinta ee waliba uu ugu yeedhayo gurigiisa uu ku noolyahay, waxa ay baalmarsantahay sharciga iyo hab-dhaqanka xisbiga.

Arrintaasina waxay muujinaysaa shir gaar ah oo lagu wiiqayo habsami-u-socodka  hawlaha qabashada shirweynaha xisbiga, kaas oo  ka gudbay marxalado badan oo hore.

Xubnaha Gudiga Fulintana waxa lagu wargalinayaa in aan shirkaasi waxba jirin? Ayuu Warsaxaafadeedkaasi ku yidhi Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.

Dhinaca kale Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Hargeysa isugu yeedhay Guddida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye.

War-saxaafadeedkaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Wararka ee Hargeysa ayaa u dhignaa sidan.

Ku: dhamaan xubnaha guddida fulinta Xisbiga Kulmiye

Waxa la Ogeysiinayaa dhamaan xubnaha Gudida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye in ay iskugu yimaadaan shir muhiim ah Guriga Madaxweyne ku xigeenka saddexda galabnimo ee Berri oo Isniin ah 06/01/2014.

Hogaanka Xisbiga Kulmiye

1.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

2.Maxamed X Yuusuf Waabeeye  Guddoomiye xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye

3.C/raxmaan Maxamed Talyanle Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Kulmiye

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici

ALLAA MAHAD LEH

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. 05/01/2013? ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland.

Shirweynaha Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye ayaa si weyn looga dhursugayaa wakhtiga uu qabsoomi doono, waxaana uu inta la og yahay dib u dhacay hal Mar.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS