Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha Guurtida Oo Xildhibaanada Warbixin Ka Siiyey Qodobadii Ka Soo Baxay Wada Hadalkii Somaliland Iyo Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha Guurtida Oo Xildhibaanada Warbixin Ka Siiyey Qodobadii Ka Soo Baxay Wada Hadalkii Somaliland Iyo Somaliya.
January 25, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(WAJAALENEWS):-guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Somaliland isla markaana ah ku simaha gudoomiyaha golahasi ayaa xildhibanada uga war bixiyey shirkii wada hadalka somaliland iyo somaliya ee ka qabsoomay wadanka Turkiga.

Hargeysa(wjn):-guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Somaliland isla markaana ah ku simaha gudoomiyaha golahasi ayaa xildhibanada uga war bixiyey shirkii wada hadalka somaliland iyo somaliya ee ka qabsoomay wadanka Turkiga.

 

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida oo ka mid ah waftigii Somaliland u matalayey wada hadalkaasi waxaanu guul ku tilmaamay qodobadii ka soo baxay wada hadalkii Somaliland iyo somaliya, waxaanu tilmaamay doorka y wada hadalka ku leedahay dawlada Turkigu isaga oo sheegay in haddii lays mari waayo ay  u gudbin karto ururka midawga Afrika iyo urur goboleedka Igad.

 

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtidu waxa uu difaacay qodobada ka soo baxay wada hadalka, waxaanu sheegay inay turjumaadu kala duwanaan karto balse ay qodobadaasi somalilang guul u yihiin.

Intii uu khudbada waday gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida waxa fadhiga golaha hadheeyey buuq iyo sawaxan taas oo  laga dareemayey sida ay xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ugu kala qaybsan yihiin qodobada ka soo baxay shirka wada hadalka.

Xildhibaano badan oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland ayaanay maanta u suura gelin inay wax su,aal ah waydiiyaan guddoomiye ku xigeenka kuwaas oo si weyn danaynayey su,aalaha gudoomiye ku xigeenka.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS