Guddoomiyahah Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Guddi Loo Saaray Hir Gelinta Qorshe Hawleedkii Golaha, Faah Faahina Ka Bixiyey Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada Oo Hor Iman Doona Golahaasi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyahah Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Guddi Loo Saaray Hir Gelinta Qorshe Hawleedkii Golaha, Faah Faahina Ka Bixiyey Masuuliyin Ka Tirsan Xukuumada Oo Hor Iman Doona Golahaasi.
January 4, 2014 - Written by editor

Hargeysa(WJN):-gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta golaha wakiilada kaga dhawaaqay guddi loo saaray hir gelinta qorshe hawleedkii golaha wakiilada ee ay dhawaan ansixiyeen xildhibaanada golahaasi.

Hargeysa(Wajaale-News):-gudoomiyaha golaha wakiilada SomalilandCabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta golaha wakiilada kagadhawaaqay guddi loo saaray hir gelinta qorshe hawleedkii golaha wakiilada ee aydhawaan ansixiyeen  xildhibaanadagolahaasi.

Gudoomiyaha golaha wakiilada oo ka hadlayeyfadhigii maanta ee golaha waxa uu sheegay inay guddidani tallo bixin ku soosamayn doonaan xeer hoosaadka golaha wakiilada iyo dhamaanba hawlaha kale eegolaha hor yaala, waxaanu sheegay inay hor keeni doonaan guddida joogtada ah eegolaha wakiilada waxaanu yidhi “waxa uu goluhu ansixiyey qorshe hawleedkagolaha ee 2013-2015, qorshe hawleedkana waxa ku jiray inuu

 

goluhu magacaaboguddi gaar ah kuwaas oo ka soo tallo bixin doona xeer hoosaadka golaha  iyo dhamaan hawlaha kale ee khuseeya golewaynaha, xubnahaasina waxay noqon doonaan dhamaan gudoomiyayahaasha guddihoosaadyada golaha iyo sadex xubnood oo kale kuwaas oo ah xildhibaan BaarSiciid, xildhibaan Cabdi Maxamed Jaamac iyo xildhibaan Xamse Maxamed Gaada Wayne, waxaanan siinayaa mudo laba wiigah inay ku soo dhameeyaan hawshaas dabadeedna ay ku soo celiyaan shir gudoonka,arimaha la xidhiidha xeer hoosaadkana waxa lagala tashan doonaa guddidajoogtada ah ee golaha”

Guddoomiyaha golaha wakiilada oo hadalkiisa siiwata ayaa soo bandhigay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland oo hor imandoona fadhiyada soo socda ee golaha wakiilada, waxaanu sheegay in wax lagawaydiin doono arimo la xidhiidha miisaaniyada qaranka ee ay goluhu ansixiyeenwaxaanu yidhi ?waxa kale oo ajandaheenu dhigayey in maalmaha shaqo ee soo socdauu ka koobnaan doonaa, inaga oo raacayna go,aankii ansixinta miisaaniyadaqaranka in loo yeedhayo wasiirada si ay golaha uga war bixiyaan arimahamiisaaniyada ee la xidhiidha, waxa golaha hor iman doona wasiirka wasaaradaqorshaynta qaranka si uu uga war bixiyo kaalmadda caalamiga ah ee ku jirtaymiisaaniyada qaranka, waxa kale oo ku xigi doona wasiirka wasaarada maaliyadaoo isaguna ka war bixin doona arimaha la xidhiidha miisaaniyada gaar ahaankhasnada dawlada,waxa kale oo golaha hor iman doona wasiirka wasaarada macdantaiyo tamarta oo dhawr jeer oo loo yeedhay ku maqnaa hawlo qaran.? Ayuu yidhigudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS