|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Sheegay Inaanay Xukuumadu Haysan Kalsoonida Shacabka Oo Aanay Wada Hadalka Ku Matali Karin Qaranka, Kana Jawaabay Eedaymo Uga Yimid Wasiirka Arimaha Gudaha
January 8, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(wajaalenews):-guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaanay socon doonin waxa ka soo baxa wada hadalka ay xukuumada somaliland kula kaliyeysanayso wadanka Somaliya. Hargeysa(wajaalenews):-guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ahee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaanay socon doonin waxa ka soo baxa wada hadalka ay xukuumada somalilandkula kaliyeysanayso wadanka Somaliya. Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid waxa uusheegay inaanay danta qaranku ku jirin inuu xisbi kaliyi maroorsado islamarkaana uu ka talaabsado talladii lagu furay wada hadalka wadanka somaliya,waxaanu tilmaanay inaanay xisbiyada mucaaridka ahi aqbali doonin qodobada kasoo baxa wada hadalka ay xukuumada Somaliland la galayso wadanka somaliya. Ugu horayn gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah eeUcid oo ka hadlaya wada hadalka dhex maraya Somaliland iyo somaliya ayaa waxaauu yidhi ?wada hadalka lala yeelanayosomaliya waa arin qaran xisbi kaliya oo gaar u lehna ma jiro taasina waa tiikeentay inaanu isku wada nimaadno oo aanu London tagno oo aanu Turkey tagno ooaanu ku faa,iidnay, waxa iswaydiin leh maxaa loo baadalay habkii hore, mana ahaFaysal ayaa laga tagay mana aha dan shakhsi aniguna waligay dan shakhsi umaanordin haddii aanu ordayna way iga muuqan lahayd, miyaa lagu khasaaray wadashaqayntii sadex xisbi, Aniga iyo madaxweynihii hore Daahir Rayaale, Siilaanyoiyo waftigii nala socday miyaa lagu khasaaray, haddii aanu wada yeelan waynowada tashi oo aanu raadin wayno ictiraafka Somaliland iyo sida loo galayo wadahadalka Somaliland iyo somaliya xaqwaxaanu u leenahay inaanu anagu doono ooaanu ka midha dhalin doono, laakiin in hadalka la badalo oo dadka juhalada ahi wax iskaga hadlaanmaaha, waxaan shacabka Somaliland leeyahay inaan ahayn nin inuu Somaliland wax taro mooyaane aan looga baqi Karin inuuwaxyeelo, dawladanina lama gali karta wadanka Somaliya wada hadal waayo dawladdhisan maaha, dawlad qorshe leh maaha mana aha dawlad haysata gacanta Somaliland?ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraaabe oo u waramayey HCTV. Gudoomiyaha xisbiga Ucid oo hadalkiisa sii wataayaa sheegay inaanay xukuumadu haysan kalsoonida shacabka isla markaanaaanay wada hadalka somaliya ku matali KarinSomaliland waxaanu yidhi ?sida uu sheegay xisbiga mucaaridka ah ee Waddaniayaanu ku wada soconaa oo hadii ay baxaan oo aanay talo qaran ku bixin inaanaysocon doonin wixii ay la galaan dawlada Somaliya waayo aqbalabiyad ma haystaan,kalsoonida shacabka ma haystaan, 15% shacabka ah ayaa maanta taageersan dawladaSomaliland, mana matalaan shacabka Somaliland.? Ugu danbayntiina gudoomiyaha xisbiga Ucid waxa uuka hadlay eedayn uu u soo jeediyey wasiirka arimaha gudaha Somaliland isaga oojawaab ka bixiyey waxaanu yidhi ?Wasiirka arimaha guduhu waxa uu igu sheegaybilaa mabda, laakiin marka la eego Cali Waran Cade waxa uu soo maray xisbigiiUdub, waxa ugu xigay Waddani hadana waxa uu ku biiray Kulmiye oo la ogaa sidaay isku yihiin, markii aanu madasha samaynaynaa waxa uu ahaa ninkii albaabkagaraacayey ee la lahaa ma soo daynaa iyo ma aamini karno, anigu waxaan hubaahaddii aan maanta wasiir laga dhigin uu u tagi lahaa Xasan Sheekha Somaliya.? Ayuuyidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|