Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo Markale Ka Hadlay Khilaafka Xisbigiisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo Markale Ka Hadlay Khilaafka Xisbigiisa
January 23, 2014 - Written by Editor:

Guddoomiye Biixi waxa uu sheegay in la eegi doono cabashada xubnahan oo in badan Madaxweynaha u gudbiyey cabashooyin ay ka qabaan xisbiga, isla markaana lagu daw-marinayo dastuurka xisbigu leeyahay.

Hargeysa (WAJAALENEWS)- Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inay dhegaysan doonaan xubno wasiirro xukuumadda ka tirsan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo cabasho muujiyey.

 

Guddoomiye Biixi waxa uu sheegay in la eegi doono cabashada xubnahan oo in badan Madaxweynaha u gudbiyey cabashooyin ay ka qabaan xisbiga, isla markaana lagu daw-marinayo dastuurka xisbigu leeyahay.

 

Waraysi Muuse Biixi siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da shalay, ayaa isagoo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey inuu jiro khilaaf garab uu ka mid yahay Madaxweyne-ku-xigeenku ka soo horjeedaan waxa uu yidhi; “Horta laba garab ma jiraan, erayga garabna waa qalad, xisbigu hoggaamiye ayuu leeyahay, Madaxweyne-ku-xigeenkuna waa guddoomiye-ku-xigeenka afraad ee xisbiga. Marka uu aniga ku-xigeenkayga yahay awoodihiisa waxa sheegaya qodobka 24-aad ee dastuurka.

 

Xisbigu mabaadi’iisii kumuu kala baydhin, ismuu qabsan, laakiin xubno ayaa cabanaya; ha noqdaan guddiga fulinta ama ku-xigeennadayda. Dadka cabanaya waa la daw-marin oo xeerka lagu daw-marinayaana waa dastuurka xisbiga.

 

Khilaafku wuu yimaaddaa, haddii odaygu nala doorbiday bal in cid nala eegto oo dadkan la magacaabayna waa wada golaha dhexe ee xisbiga oo waxa la eegi doonaa dadka cabanaya ee amma guddoomiyaha ha ka cawdaan amma wax baa naga maqan leh.”

 

“Waxa jira wasiirro uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenku oo ah qolada cabanaysa, waraaqaha foojariga ah way jiraan oo meel laga keenay aanaan garanayn. In badan bay Madaxweynaha dhegihiisa ka badiyeen xisbigii wax baannu ka tabanaynaa ee ha la isu joojiyo, waanu u joojinaynaa, waanuna dhegaysanaynaa iyadoo lagu dhaqmayo dastuurka iyo kala dambaynta xisbiga ayuun baa la daw-marin,” ayuu yidhi.

 

Mar la waydiiyey su’aal ahayd ‘adigu guddoomiye buuxa miyaanad ahayn, madaxweynuhu halkee ayuu xisbiga ka soo galayaa miyaanu xubin guddiga fulinta ah uun ahayn? Waxa uu kaga jawaabay, “Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay, illeyn isagaa odaygii ah’e. Markuu yidhaa safar baan u baxayaa oo hawl baan yeeshaye dib iigu dhiga, codsi ayuu soo jeediyey ee mar qudha muu soo qorin amar. Madaxweynaha ixtiraam ayaannu isku leenahay, waana odaygii qaranka ee haddii uu ii soo jeediyo hawl baan yeeshay ee ha la i sugo maxaa ku jaban?”

 

“Annagu waxaannu ku dadaalaynaa waqtigaa Madaxweynuhu soo jeediyey (22-ka March) in aannu horteed mooyee ka dambayn shirweynaha xisbigu,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS