Guddiga saddex Geesoodka ah ee ay ku heshiiyeen Somalia iyo Somaliland oo Turkigu Markhaati u yahay+ qodobada kasoo xabay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddiga saddex Geesoodka ah ee ay ku heshiiyeen Somalia iyo Somaliland oo Turkigu Markhaati u yahay+ qodobada kasoo xabay
January 19, 2014 - Written by Editor:

Guddiga saddex Geesoodka ah ee ay ku heshiiyeen Somalia iyo Somaliland oo Turkigu Markhaati u yahay shaqada ay qaban doonaan.

Istanbul, 19,2014 (Wajaalenews) Ergooyin ka kala socda Somaliland iyo Somalia oo muddo ka badan saddex maalmood ah ku kulansanaa magaalada Istanbul ee xarunta ganacsiga dalka Turkiga ayaa ku heshiiyay dhawr qodob oo xasaasi ah, isla markaana aad uga duwan waxyaabihii ka soo bixi jiray wada hadaladii hore.

Qodobadani waxa ka mid ah inay wada jir u cambaareeyaan dawladaha Somalia iyo Somaliland xasuuqii ay dawladii |Siyaad Barre ka geysatay Somaliland iyo weliba inay wada hadaladu sii socdaan, isla markaana loo jeexo tubta wada hadalka iyo in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban Turkiga, Somaliland iyo Somalia.

Marka laga yimaado cambaaraynta iyo sii socodka wada hadalada waxa cusub in la sameeyo guddi saddex geesood ah oo xaruntiisu tahay dalka Turkiga oo ka shaqeeya arrimaha wada hadalada iyo ajandaha.

Haddaba qaar badan oo ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha siyaasadu waxay sheegeen in guddidani ka shaqeyn doonto sidii loo diyaarin lahaa in siyaasiyiintu fududeeyaan wadada loo marayo in dadka soomaaliyeed go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda gaar ahaana shacabka Somaliland.

Sida uu Safiirka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaalidu sheegayna kama fursanayso in shacabka Somaliland la weydiiyo waxa ay doonayaan. Sidaasi darted waxay dad badani saadaalinayaan in guddidani ka shaqayn doonto qaabkii, waqtigii iyo xuduudii dadka reer Somaliland, isla markaana mar kale la weydiiyo afti lagu doonayo inay Somalia ka go’aan iyo inkale.

WIXII KASOO KORDHA WADAHADALADA SOMALILAND IYO SOMALIYA KALA SOCO WAJAALENEWS

COMMENTS
LINKS