Golaha Degaanka Burco oo noqday Golaha Degaanka Gobolada iyo degmooyinka Bariga Somaliland iyo Xildhibano uu hor kacayo Maayarka Burco oo saka u baxay Degaanada u dhexeya Sool iyo Saraar ee ay shalay dirirtu ka dhacday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Degaanka Burco oo noqday Golaha Degaanka Gobolada iyo degmooyinka Bariga Somaliland iyo Xildhibano uu hor kacayo Maayarka Burco oo saka u baxay Degaanada u dhexeya Sool iyo Saraar ee ay shalay dirirtu ka dhacday
January 13, 2014 - Written by Editor:

Golaha Degaanka Burco oo noqday Golaha Degaanka Gobolada iyo degmooyinka Bariga Somaliland iyo Xildhibano uu hor kacayo Maayarka Burco oo saka cidleeyey Dawladdii hoose una baxay Degaanada u dhexeya Sool iyo Saraar ee ay shalay dirirtu ku dhex martay labada beelood.

 

HARGEISA WAJAALENEWS ;Maayarka Magaalada Burco iyo Koox xildhibaano ah oo uu hor kacayo ayaa saaka u anba baxay dhinaca deegaamadii ay shalay dirirtu ku dhex martay Labada beelood wada dega Deegaanka DOCOSHA, waxana Xildhibaanada iyo maayarkuba cidleeyeen guud ahaan xafiisyadii looga arriminayey Degmada Burco gaar ahaan xaruntii Dawladda Hoose iyadoo aanu xattaa Magaalada Joogin Kuxigeenkii Maayarku oo uu ku maqnaa tan iyo markii la xidhay Guuleed Daahir Samatar Magaalada Hargeysa, una maqan yahay arrinka  Guuleed Daahir.

Dadweyne tiro badan oo anu saka ku bookhanay Gudaha Xarunta Dawladda Hoose Burco ayaa dareeno kala Duwan ka bixiyey Safarka iyo socdaalka xildhibaanda iyo maayarka,  kuwaso ay ku sheegeen Masuliyiin haya shaqo an loo diran loona Dooran.

Waxay sheegeen inay Xildhibanada Degmada Burco Noqdeen Xildhibaanadii Gobolada iyo Degmooyinka Bariga Somaliland, kuwaaso aad ku dhex arkayso arrin kasta oo ka dhaca Gobolada, Sool, Saraar, Sanaag, Daadmadheedh iyo Togdheer

Xildhibanada Safka hore kaga jira kuna suntan u hanqal taaga shaqooyinka Degmooyinka kale ee Dalka ee manta uu horkacayey Maayarku  ayay ka mid yihiin, Xildhiban Mubarik Yusuf Cilmi Bidhi, Xildhiban Cabdirashiid Farax Cali, Xildhiban Farxan Cabdi aw xirsi, Xildhiban Maxmed Tuurtuur, Xildhiban Ibrahin Basaale Gaboobe, iyo maayarka Maxmed Murad.

 

Isweydiinta ugu badan ee shacabka Degmada Burco ayaa ahayd saka iyo subaxyo ka horeeyey oo ay sidanoo kale uga kallaheen magaalada, Cidda shaqadan Culus ee Gobolada iyo degmooyinka Bariga oo dhan u diratay ama u igmatay xildhibaanadan loo soo doortay Burco oo keliya, iyadoo ay magaalada Burco aad uga gaabisay Dhinaca horumark Degmooyinka Dalka oo dhan, Waxana la yaab ah in xildhibanada degmooyinka kale aanay Burco marna u iman arrin ka baxsan degaanada laga soo doortay iyo degmoyinka ay xildhibaanada u yihiin, Balse Gobolkasta iyo Degmo kasta laga xanto Xildhibaanada Burco ee iyagu lacagtii yarayd ee cashuurta ahayd ee laga qaadayey marna lagu laba jibaarayey shacabka masaakiinta ah ku Tegeya kuna kharash garaynaya Danaha Degmooyin kale oo la misaaniyad iyo kharash ba ah Degmada Burco.

Deegaamada ay dirirtu shalay ka bilaabatay oo ay gadheen wufuud culus oo uu hogaaminayey wasiirka arrimaha guduhu ayaa u dhaxaysa Gobolada Sool iyo Saraar, waxayna ahayd in labadaas Gobol iyo degmooyinkooda arrinkaasi loo daayo, haddii codsi ka yimaado goboladaas ay u soo gubiyaan golaha degaanka burco na uu noqdo wax kharashkooda iyo hawsheeda ba ay qabaan Gobolada iyo degmooyinkaasi soo codsaday xildhibanada degaanka Burco.

 

Sannadkii ina dhaafay waxay in ka badan 20 jeer u baxeen  Degaamada Hoos yimaada Gobolada Togdheer, Saraar, Sanaag, Sool iyo Daadmadheedh, iyagoo goob kasta isugu imanayey xildhibanadii degaamadaasi, waxayna markay degaamadaas ka tagaanba lagu sii xantaa inay yihin masuuliyiin aan xishoon oon ixtiraamin golayaasha iyo xildhibaanada Dhigooda ah ee meelah ay tegayaan ama u baxayaan ay ugu tegayaan, isla markaasna haya shaqooyin badan oo aan cidi u dooran, waxayse dadku is weydiiyan golaha degaanka burco, ma dad aan aqoon u lahayn shaqadoodaa, mise waa dad jecel in shaqooyin ka badan tan loo doortay  ay qabtaan had iyo jeer oo an helin cid runta u sheegta oo shaqadooda tusta?

 

Magaalada Burco saaka ma joogaan maayarkii, kuxigeenkiisii iyo xildhibaanadii ugu badnaa ee goluhu, waxana suuro gal ah in sidii caadadoodu ahayd ay halkaas ku maqnaadaan tan iyo inta xal laga gaadhayo arrimaha iyo dirirta ka dhacday deganadaas u dhexeeya Sool iyo saraar, oo ay dhici karto inay qaadato maalmo kale,  suuro gal na ay tahay in xafiisyadu sidaas saaka oo kale u qufulnaadaan, golihii la soo doortayna noqdo gole mar walba ku foogan wax ka baxsan danihii ay bulshada burco u soo doorteen, lacagtii cashuurta ahayd  ay shacabka burco ugu adeegi lahaayeena, u geyanaya degmooyin kale oo burco dhiggeed ah, iyadoo sannadkii hore lacag ka badan 50 Milyan  SLSH ah oo ka mid ah kharashadki ay Dawlada hose isticmaashay lagu sheegay inay ku baxeen hawlo noocan oo kale ah oo xildhibanada iyo mayarku iyago shaqo ku lahayn ugu baxeen kharshka intaas leegina kaga baxay.

 

 

Khadar Abdirisaq Salebaan

Burco / Somaliland

wariyekhadar@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS