GODKA LAGU CADAABYOW MUXUU GO’UHU BEEN SHEEGAY!! by muj cali gurey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
GODKA LAGU CADAABYOW MUXUU GO’UHU BEEN SHEEGAY!! by muj cali gurey
January 22, 2014 - Written by Editor:

GODKA LAGU CADAABYOW MUXUU GO’UHU BEEN SHEEGAY!!
Somalia waxa la yidhaa Somalia. Midnimadeedu inay muqadas tahay in kale waxay u taalaa soomaalida Somalia. Lakiin marka ay tahay midnimada Somalia iyo Somaliland oo laga yaabo inay tahay ta Madaxwaynaha Somalia uu u jeedo wuxu u qalmaa in la yidhaa GODKA LAGU CADAABYOW MUXUU GO’ UHU BEEN SHEEGAY. Somalia iyo Somaliland markii ay Lixdankii midoobeen ninka dhan ee madaxwaynaha sheeganayaa wuxu u haystaa inay ku midoobeen magaca Somalia oo ay noqdeen jamhuuriyadda Somalia. Waxa wiilka iskaga qaldan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed( Somali Republic) iyo Jamhuuriyadda Somalia (Republic of Somalia) oo aan sharci ahaan marna wax jiray ahayn. Ninka midnimada Somalia iyo Somaliland waa bilqasab lihi wuxu ku dhex nool yahay Beledkiisii isaga oo aan si xor ah ugu noolaan karin nabadgelyadiisu na ciidan shisheeye ihi masuul ka yahay oo aan cid kale isku aamini karin. Midnimada Muqdisho xagiisa muhiim kama aha bal Somaliland daaye intii Somalia isku ahayd horta ma hayaa. Puntland hore ayay uga shubtay. Jubbaland waa siday u tagtay waanu ku qasbamay inuu sideeda ku aqbalo isaga oon xataa federaalkii lagu doortay raali ka ahayn ee ka jeclaa inu ka dhigto Muqdisho booraan dacawo uu ku bakhtiisto Somali oo dhan. Waxa ka daran Galmudug, xubin iyo xeeb iyo Ahlu suna wal jamaaca oo cidiisa ah oo aan iyagu na is ogolayn cid kale na ogolayn. Baay, Bakool, Gedo waxay wadaan inay ka tashadaan Muqdisho Shabeelada Hoose na waxay iska caabiyeen weeraradii is daba jooga ahaa ee ciidan reereedka dawladaysan ee Xasan Sheekh. Waxa hadhay saw Hiiraan, Shabeelada Dhexe iyo. Muqdisho maaha? Haduu intaa hayn lahaa xataa wax bay noqon lahayd ba. Wiilku cidna ma hayo cid ka sii socota mooyee cid u soo socotaa na ma jirto markaa in lagu mashquulo maaha hadalkiisu na wax la tixraaco maahaa. Markaa xaalkiisu saw maaha, HABARTU IYADAYSKA HAWHAW LEHE INAGA HEELADEENA INOO TUMA.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

email;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS