:General Maxamed Cali Samatar oo Maxkamada Sare ee Maraykanku u diiday Racfaan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
:General Maxamed Cali Samatar oo Maxkamada Sare ee Maraykanku u diiday Racfaan!
January 14, 2014 - Written by Editor:

General Maxamed Cali SamaTar oo Maxkmada Sare ee Maraykankanku u diiday Racfaan

Virginia-(wajaalenews)- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya General Maxamed Cali Samatar ayey u diiday maxkamadda sare ee dalka Mareykanku Racfaan uu ka qaatay inaan loo qabsan karin dacwado ka dhan ahaa isaga oo muddo sideed sanno socday.

sma

Maxamed Cali Samatar  oo Soomaaliya ka soo qabtay Xilalka Madaxweyne ku xigeen, Ra’iisul wasaare iyo Taliyaha Guud ee ciidamada Qalabka Sida ayaa sanadkii 2004-tii waxaa lagu soo oogay dacwad la xidhiidhay in uu geystay dambiyo bini’aadannimada ka dhan ah (Xasuuq),  taasi oo ay qaaday maxkamad  ku taala dalka Maraykanka gaar ahaan gobolka Virginia.

Dacwadda ayaa waxaa General Samatar ku soo oogay dad ama dhibanaeyaal (Victams) u dhashay Somaliland, Yeelkeede General Maxamed Cali Samatar ayaa qaatay Racfaan, Hase yeeshee Maxkamadda gobolka Virginia ayaa diidday in uu iska difaaci karo arrintaasi (eedahaa), sida ay qortay maanta Wakaaladda Wararka AP ee dalka Mareykanka.

Isku soo wada duuboo Maxkamadda maysan shaacin in dib loo furayo dacwadda General Maxamed Cali Samatar,iyadoo ujeedadu tahay in uu bixiyo lacag ay maxkamadda ku xukuntay oo gaareysa 21 Million oo Dollar.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS