Gabiley:Hadalheynta Xisaabxidhka Golaha Deegaanka Ka Gowsqabshada Xildhibaanada ee Deynta Baanka iyo Weedha Dalbka ah ee Carabka Usaaran | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabiley:Hadalheynta Xisaabxidhka Golaha Deegaanka Ka Gowsqabshada Xildhibaanada ee Deynta Baanka iyo Weedha Dalbka ah ee Carabka Usaaran
January 9, 2014 - Written by editor

Guda galka Xisaab xidhka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, oo ahaa mid alabaabdu u xidhnaayeen Islamarkaana, ay Xubnaha Golaha iyo Gudoonka Golaha ku dhex martey dood adagi waxa horaantiiba lagu raad joogsadey madmadow

Gabiley(Wajaale-News)-Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa, maanta markii u horeysay jilibka isu dhigay mowduuca laf dhuun gashey ku noqdey Hogaanka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, ee Xisaabxidhka Degmada taas, oo mudooyinkii u dambeeyay ee ;lagu guda jirey Kalafadhiga Afraad ee ay ku kulmaan Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,laga dhursugayay inta ay sameynayaan Xeer hoosaadka Golaha oo shaley Arbacadii laga faraxashey.

Guda galka Xisaab

xidhka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, oo ahaa mid alabaabdu u xidhnaayeen Islamarkaana, ay Xubnaha Golaha iyo Gudoonka Golaha ku dhex martey dood adagi waxa horaantiiba lagu raad joogsadey madmadow fara badan oo kujira Dakhligii dhinaca Cashuuraha uga soo xerooday mudadii Sanadka iyo maalmaha aheyd  uu Goluhu dhisnaa Degmada Gabiley taas, oo la xaqiijiyay sida ay tibaaxeen ilo xogogaal ah oo hadhwanaagnews ka helay kulankaasi in mudanayaasha ugu badan ee Goluhu ka gows qabsadeen Deynta uu Bangigu ku leeyahey xiligan Degmada Gabiley oo lagu sheegay lacag dhan lix boqol oo malyuun oo Shilinka Somaliland ah iyadoo, dhinaca kalena lagu qiyaasey dakhliga soo xerooday mudadii ay joogeen lacag aan ka yareyn laba malyuun oo Lacagta Dollarka Mareykanka ah iyo waliba deymo kale oo lagaga leeyahey Degmada Gabiley cagaf dhawaan lasoo iibiyay, iyo Gaadiid kale, waxaanay gudagalka Xisaabtani keentey in Mudanayaasha Golaha Deegaanka Gabiley xubno kamid ahi meel adag iska taageen sida loo xalilayo madmadowga faraha badan ee ka muuqda Xisaabxidhka Degmada.

 

 

Sida ay wararkani sheegeen, waxa wali horyaala Golaha laba qodob oo kala ah in daaha laga feydo madmadowga kujira Xisaabxidhka oo ay dalbadaan hantidhowr baadhis ku sameeya Maamulka D/hoose iyo waxa ay ku baxdey deynta Bangigu leeyahey, iyo in Gudi loo saaro Golaha dhexdiisa iyadoo Dakhliga Kastamka Cashuuraha uga soo xerooda maalintii alla keenaba aanu ka  yareyn dakhligu  sodon afartan,ilaa konton malyuun inta u dhexeysa oo Shilinka Somaliland ah, iyadoo ay taasi u dheer tahey mashaariicda laga fuliyey Gabiley, oo ay kamid yihiin jidad lagu fuliyey Gplg iyo Hay,ada USAID sida ay dad xogogaal u ah D/hoose ee Gabiley sheegeen  waxa xiligan qabyo ah saamigii ay ku dari laheyd D/hoose dhameys tirka qeybo kamid ah Barnaamijka Gplg?Lasoco Qeybta Dambe Warbixin Tafdheer oo daaha ka rogeysa Mudadii Golaha iyo Xisaabaha isku ceynka iyo Beydka go,ay.

 

WAJAALE NEWS DESK

GABILEY OFFICE

CONTACT US: Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS