Xoghayaha Fulinta Dawlada/Hoose Oo Daba-Shabeelaysanaya, Gudoomiyaha Bangiga Oo Uga Dacareeyey Guddida Xildhibaanadu U Xusheen Inay Fatashaan Xisaabaadka Dawlada/Hoose Ku Leedahay Bangiga,gabiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Fulinta Dawlada/Hoose Oo Daba-Shabeelaysanaya, Gudoomiyaha Bangiga Oo Uga Dacareeyey Guddida Xildhibaanadu U Xusheen Inay Fatashaan Xisaabaadka Dawlada/Hoose Ku Leedahay Bangiga,gabiley
January 15, 2014 - Written by editor

Warku waxa uu intaa ku darayaa in Sidoo kale Gudoomiyaha Bangiga Laanta Gabiley uu Isaguna uga dacarreeyey Xubnaha Xildhibaanadu inay dib u eegis ku sameeyaan Sanduuq-Xisaabeedyada Dawlada/ hoose ku leedahay Bangiga Gabiley

 

Gabiley(Wajaale-News)-Xoghayaha fulinta Dawlada/Hoose ee Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor ayaa la sheegayaa in uu ka daba-shabeelaysanayo in uu soo hor-dhigo Xubnaha Guddidda ee Xildhibaanada Golaha Deegaanku u xusheen in ay daba-galaan Dakhligii Dawlada/hoose ee Degmada soo galay Sanadkii 2013kii, iyo Mashaariicihii Horumarineed ee Goluhu ansixiyeen horraantii 2013kii wixii ka fulay iyo waliba Xisaab-xidhkoodii ka dib markii Xoghayaha Fulintu ku wargaliyey Xubno ka tirsan Guddidaasi in aanay Xaq ugu lahayn in uu soo hor dhigo Xisaab-xidh sanadeedkii 2013kii, maadaama aanu ka mid ahayn Xubin ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley, isla markaana ka mid yahay Shaqaalah

Wasaarada Daakhiliga Somaliland.

 

Warku waxa uu intaa ku darayaa in Sidoo kale Gudoomiyaha Bangiga Laanta Gabiley uu Isaguna uga dacarreeyey Xubnaha Xildhibaanadu inay dib u eegis ku sameeyaan Sanduuq-Xisaabeedyada Dawlada/ hoose ku leedahay Bangiga Gabiley, oo Xubnaha Fulinta Dawlada/Hoose ee Gabiley (Maayarka iyo Xoghayaha Fulintu) ay ugu sheegeen Xildhibaanada Deegaanka in Bangiga Gabiley uga furan yahay Illaa Dhawr Sanduuq Xisaabeed, oo Dakhli-maalmeedka Degmada soo gala ay ugu kala qaybiyaan Saamiyo ka mid ah Dakhligaasi, oo ay ku kala magacaabaan Sanduuq-xisaabeedka Horumarinta Dhismayaasha Dawlada, Sanduuq-xisaabeedka Nabadgalyada, Sanduuq-xisaabeedka Aafooyinka, Sanduuq-xisaabeedka Mushaharooyinka iyo Gunnooyinka, iyo wixii la hal maala, taasi oo Guddiddani ay u igmadeen daba-galkeed Golaha Deegaanka Gabiley, ka dib markii ay ku dul Istaageen Musuq-Maasuq baahsan oo ku habsaday Dawlada/Hoose ee Gabiley,iyo Xatooyo Hanti-Umadeed oo Fulintu si badheedha ugu kacay Dakhligii Dawlada/Hoose ee Gabiley.

 

Arrimahani ayaa soo if baxay ka dib markii dhawaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Kalfadhigoodii Afraad ee ay yeeshaan ay ka mid ahayd Ajandayaasha lagaga doodayey Xisaab-Xidh sanadeedkii 2013kii oo ahayd Ajandahii Sadexaad ee lagaga hadlo Kalfadhigani, taasi oo bilowgii horeba ay Xubnaha Fulintu (Maayarka iyo Xoghayaha Fulintu)soo hor dhigeen Laba Miisaaniyadood oo is Khilaafsan, isla markaana aanay

Midi ahayn tii ay u codeeyeen Xildhibaanada Deegaanku horraantii Sanadkii hore ee 2013kii taasi oo dhanayd Afar iyo toban Bilyan Boqol iyo Kow iyo Sideetan Milyan (14,181,000,000) oo Shilinka Somaliland ah, halka ay Xisaab-Xidhkanina ku soo bandhigeen Mid ay Iyagu (Maayarka iyo Xoghayaha Fulintu) samaysteen oo jeebkooda ahayd oo dhanayd Afar iyo Toban Bilyan Shan Boqol iyo Sagaal iyo Lixdan Milyan (14,569,000,000) oo Somaliland Shiling ah.

 

Arrimaha kale ee daaha ka sii fayday Fadeexadahan Musuq-Maasuq ee Xildhibaanada Golaha Deegaanku sida fiinta uga qaylyeen ayaa waxa ka mid ah, Ka dib markii Xildhibaanadu ka dhex waayeen Xisaab-Xidhkani la soo hor dhigay Mashaariic horumarineed oo u badan Dhismayaal kuwaas oo ay Xildhibanadu hore ugu ansixiyeen in la fuliyo Sanadkii hore ee 2013kii gudihiisa, Dhismayaashaasi oo u badnaa Saldhigyo Booliis oo laga hirgalinayey Koonfurta Magaalada Gabiley iyo Magaalada Kalabaydh, Binnaynta Sariibad laga yagleelayey Isla Koonfurta Magaalada iyo Kalabaydh, Xarun Dawlada/hoose ee Kalabaydh loo samaynayay, hirgalinta Kaawaan Hilibka lagu qalo oo loo bilaabayey Magaalada Kalabadh, iyo dibu-dhiska Kaawaanka Hilibka ee Isla Magaalada Gabiley oo

Wakhti-Xaadirkan Jiingadu ka maqan tahay.

 

Waxa kale oo Mashaariicahaasi ka mid ahaa Dugsiyo Waxbarasho oo u baahnaa Dhamaystir oo Maayarkii ka horreeyey kan wakhti Xaadirkan haysta Magaalada Gabiley ka hir-galiyey Goobo badan oo Muhiiim u ahaa Maamulka Dawladnimo ee Degmada Gabiley, oo ay ka mid tahay Dhamaystirka Dugsiga Tuulada Hadhlay oo Istiraatijiyad Maamul u

haboonayd in la dhamaystiro.

 

Mashaariicahaasi oo dhamaantood ay Xisaab-Xidhkan Golaha la soo hor dhigay ay ku muujiyeen in ay ku badaleen Ollolle Xashiish Xaadh iyo Nadiifinta Magaalada, taasi oo si cad uga hor imanaysa Qodob ka mid ah Xeer 23 oo ah Xeerka Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka. Fadeexadahaasi Maamul ee dul-hoganaya Maamulka Dawlada/Hoose ee Gabiley oo u badan Aqoon-darro ka haysata dhinaca Shaqada ayaa hadana waxaa taasi bar-bar socota oo Afkala qaad ku noqday Qaybaha kala duwan ee Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Gabiley Shahaado-Sharafyo lagu gudoonsiiyey Magaalada Hargaysa Maayarka Magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, taasi oo lagu sheegay Waxqabadkiisii Sanadkii 2013kii, oo waliba ay si gaara u gudoonsiinayso Marwada koowaad ee Madaxwaynaha Somaliland Aamina Xaaji Maxamud Jirde (Aamina Waris), Arrintaasi oo ilaa Maanta illaa Caawa Hadal-haynteedu guux badan ka dhex abuurtay Dadwaynaha Reer Gabiley oo qaarkood xusayaan in ay Marwadu qayb ka tahay Musuq-Maasuqa baahsan ee ka dhacay Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley .

 

La soco Qormooyinka danbe oo aanu si qoto-dheer ugu kuur gali doono kolba halka ay marayaan Hawlaha Xisaab-Xidhka iyo Aragtiyaha kala duwan ee ay Dadwaynuhu ka bixinayaan Arrintaasi iyo Shahaado-Sharafyada Marwada Madaxwaynuhu gudoonsiinaysay Maamulka Gabiley ?

 

Caydaruus Qadiye

Wajaale News

Gabiley Office

 

 

COMMENTS
LINKS