EDAABTA SALAADA JIMCE; QALINKII Dr.Mohamed-AW Yusuuf Culimo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
EDAABTA SALAADA JIMCE; QALINKII Dr.Mohamed-AW Yusuuf Culimo
January 21, 2014 - Written by Editor:

EDAABTA SALAADA JIMCE
Dr.Mohamed-Culimo, mculimo@yahoo.com
Maalinta Jimcuhu waa maalin fadli badan oo maalmaha kale waxdheer, waana in la wayneeyo oo laga faa iidaysto.Waa maalin aynu kaga duwanahay umaddaha kale. Salaada Jimce waa inay tagaan raga inta qaangaadhay ee karaysaa.
Waa in la sii maydho inta aan la tagin masaajidka. Nabigu csw wuxuu yidhi , “ qofkasta oo imanaya salaada Jimce waxaa ku waajib ah inuu soo maydho”. Sidaas darteed maydhashadda salaada Jimce ka hor inay waajib tahay ayaa la isku raacsan yahay. Sii cadayo, cadar haddii aad haysatana sii marso. Haddii aad saliid heli karto maddaxa sii marso. Xillli hore tag masaajidka si aad u hesho ajar badan. Inta khudbadda la akhrinayo ha hadlin, khudbadana si fiican u dhagayso.
Maalinta jimcaha waxaa ku jira wakhti ducadda la aqbalo.Sidaas darteed waxaa haboon inaad ducadda badsato maalintaas oo dhan, inla aqbalo ayay u dhawdahaye.
Suuratul Kahf akhri maalin kasta oo Jimce ah si loo dhaafo dambigaaga inta u dhaxaysa labadda Jimce.
Ilaahow noo fududee.
Waa fariin bulshee, sii gudbiya.

COMMENTS
LINKS