Dowladda Mareykanka Oo Sheegtay In Ciidamo Ay Ka Joogaan Gudaha Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Mareykanka Oo Sheegtay In Ciidamo Ay Ka Joogaan Gudaha Soomaaliya
January 11, 2014 - Written by Editor:

MUQDISHO WAJAALENEWS ;Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya si ay talo bixin u siiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee howlgalka ka dhanka ah argagixisada ka wada gudaha wadanka.
Mareykanku waxa uu sheegay in ciidamadaasi aanay tiro badneyn hase yeeshee ujeedkoodu yahay sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen isku xirka mileteriga iyo la dagaalanka argagaxisada, taasoo qeyb ka qaadaneysa nabadeynta iyo dhisidda awoodda dhaqaalaha ee wadanka Soomaaliya.

Waxaa kaloo Mareykanku sheegay in taasi ay sidoo kale dhisi doonto awoodda ciidamada Soomaalida iyo kuwa Midowga Afrika ee horumarka ka sameeyay la daagalanka Al-shabaab waana taageero aan u fidineyno ayuu yiri dadka Soomaaliyeed inaan ku caawino si looga haqabtiro baahida Soomalida ee dhankaasi ku aada.

Mareykanka ayaa tilmaamay in ciidamadan tirada yar ee ka jooga Soomaliya ay yimaadeen dabayaaqadii sanadkii tagey, kuwaasoo laga rajo qabo iney qibradooda ku biiriyaan dowlada Somaliya si ay u gaarsiiyaan ciidamadeeda inay awood u yeeshaan sifeynta argagaxisada.

ku lug yeelashada Mareykanka ee arimaha Soomaaliya gaar ahaan dhanka Mileteriga ayaa ah mid aan xiligan bilaaban hase yeeshee mareykanka ayaa dhinacyo badan oo ay ku jirto tababarada ciidanka iyo taakuleynta sirdoonka siin jiray dowlada Soomaaliya, wixii ka danbeeyay sanadkii 1994kii xiligasoo Mareykanku soo gabagabeeyay howlgalkii UNISOM ee rajo Soo celinta.

WAJAALENEWS DESK

MUQDISHO OFFICE

COMMENTS
LINKS