|
|||||
WAJAALE NEWS
DOORKA AQOONSI RAADINTA EE URURADA MAXALIGA AH IYO JAAMACADAHA DALKA; qalinkii faysal cumar madar (qumuj)
January 26, 2014 - Written by Editor:Maxaa inooga meelyaala ururada bulshada iyo jaamacadaha dalka;;;;;;;;Faysal cumar madar (faysal qumuj) Mahad oo dhan alleayay u sugnatay ilaahay mahadiiweeyaan xaaladkasta oo aynu ku jirno .mar hadii cidna aanay ku kasban Karin gacantiisa, Sanaddadii u danbeeyay somaliland waxay ku jirtay da’daalo ay ku raadinayso gooni isku taageeda, shakhsiyan waan taageersanay in looga ololeeyo oo ,dunida loo bandhigo qadiyadeena ,iyadoo laga duulayo go’aankii shacabka eeahaa in Somaliland tahay qaran aan gorgortan kagalayn gooni isku taagiisa ayaa waxaad moodaa in dhawaanahan bulshadu kukala aragti duwantahay sidii loo wajihilahaa iyo sida ay xukumadu u wado hawsha waayo?.Waxa muuqata in aynaan qorshe.qaran ka lahayn sidii iyo habkii loo mari lahaa, waxaana arintaa cadaynaysa in markasta oo laga wadahadlayo ama kulan la lagalayo Somalia waxa laga bilaabaa meel cusub taasi waxay lumisay kalsoonidii shicibka iyo axsaabta mucaaridka ah.Tii bishan aynu ku jirno lagu qabtay dalka turkigu waataynu wada ogayn ee aad arkaysaan sida loogu kala aragti duwanyahay waxaana keenay habka loo wado Ayaan ahayn Hab-wadaaga (participatory system) ,hadii dalka Somaliland iyobulshadan dantooda laga shaqaynayo maxaa diidaya in aanay bulshadu kala shaqaynwaydo xukumada aqoonsi raadinta iyo in ay u garab istaagi waayaan dadku xukumada waxa keenay taakalsoonidarada lagu qabo xukumada iyo hulaab xumadeeda bal fiirso waxaad dhawaan arkayseen in dawlada Somaliland ay xidhay nin layidhaa CABDIRAXMAN CAYNTE oo ay lahayd dawladeenu wuxuu waxka qoray Somaliland iyo Somalia wadahadaladooda waxa kale oo uu rabaa in uu halkana ku qabto sibinaaro iyo shirar uu hawshaa kaga hadlayo nin kaasi wuxuu katirsan yahay (The Heritage Institute for Policy Studies) ururkaasi wuxuu qoray warbixin lidiku ah oo layidhaa (The Somalia – Somaliland Negotiations) oo uu ku sheegayo in dadka reer Somaliland ay ku kala duwan yihiin gooni isku taaga, Aragtiyo sidaasa horeway u baaheen dibna way u baahidoonaan lakiin su’aasha meesha taalaa waxay tahay? Maxay Ururada Maxaliga ah ee Somaliland iyo Jaamacadaha dalku u sosaari wayeen ,warbixino badhi taaraya doodaheena heercaalami oo loogu ololaynayo gooniisu-taageena .Taasi waxay keentay in dadka Somaliland aanay lahayn aragti midaysan oo ku wajahan habka loo maamulayo majaraha aqoonsi raadinta iyo sobobaha aynu ugago’nay Somalia, mar hadii kuwii aqoonta lahaa a uu sidaa xaalkoodu yahay ;maxaad u malayn dhalinyareedeenii 18MAY aan u aqaan anigu .Somaliland way jiraan ururo ku hadli karo magaca bulshadarayidka ah iyo jamacado gobol walba ka furani, iskamay xilsaarin,lagumana dhiiran, iyaguna magaran doorkooda ,inkasta oo ay yaqaanaan siyaasadaheena gudaha sida imika baaadaragtay SONSAF IYO APD oo dawlada kala shaqaynaya sidii loo majaro habaabinlahaa MADASHII WADATASHIGA iyo SORADI oo ku hawlan sidii WADANI u heli lahaa kursiga iyo sidii ay kolba warbixin mashruucaysan uga diyaariyaan saxafada somaliland dhanka kale JAAMACADAHA DALKA waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay jaamacadaha koonfurta u la booby lahaayeen lacagaha loo soom ariyo EU-funded SHERNET (Somali Higher Education Regional Networking).Hadaba maxaa inooga meelyaala burunbugandaha reer koonfureedka iyo baylahda dadkeena gaar ahaan ururada iyo jamacadeheena oo ogolaansho kahaysta ,dawladan kulmiye ?QALINKII FAYSAL CUMAR MADAR WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|