Dawlada Kenya Oo Sheegtay Inay Dishay Saraakiil Ururka Al-shabaab Ka Tirsan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Kenya Oo Sheegtay Inay Dishay Saraakiil Ururka Al-shabaab Ka Tirsan
January 10, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA WAJAALENEWS Milateriga dalka Kenya ayaa sheegay inay 30 qof oo Xarakada Al-shabaab ka tirsan ku dileen degmada Gabahaarey ee wadanka Somaliya….

Milateriga dalka Kenya ayaa sheegay inay 30 qof oo Xarakada Al-shabaab ka tirsan ku dileen weerar duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ka geysteen deegaan ku dhow degmada Gabahaarey ee gobolka Gedo.

Warkan ayay Kenya ku sheegtay inay xubnaha ay dileen ay ku jiraan xubno saraakiil sare ah, kaddib markii ay diyaaradahooda dagaalka ay weerar circa ah ku qaadeen deegaan 20-km u jira Garbahaarey oo lagu magacaabo Birta-dheer.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in dad shacab ah ay duqeyntaas waxyeello kasoo gaadhay, inkastoo aan la sheegin tiradooda, waxaana ay Kenya sheegtay in xilliga uu weerarku dhacayaya ay deegaankaas shir ku lahaayeen xubno sarsare oo Al-shabaab ka tirsan.

Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeynta ay Kenya ay sheegtay inay ku dileen xubno ka tirsan xoogaggooda oo ay saraakiil ku jirto, balse xubno ka tirsan mas’uuliyiinta gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in weerarkaas uu dhacay.

Kenya ayaa waxa kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana ay ku sugan yihiin deegaanno ku yaalla gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkii bishii September ee sannadkii lasoo dhaafay 2013 lagu qaaday dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall oo ay ku dhinteen 67-qof oo shacab u badan.

Dhanka kale, wararka ka imanaya deegaannada ku yaalla xadka Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan in lagu afduubay lix qof, kuwaasoo mas’uuliyiin ka tirsan Kenya ay sheegeen inay rumeysan yihiin inay Al-shabaab afduubtay dadkaasi.

Kenya ayaa waxay bishii Oktoobar ee sannadkii hore sheegtay inay duqeyn ay ku qaadday saldhig ku yaalla duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay ay ku dileen 300 oo xoogag Al-shabaab ka tirsan ah oo halkaas tababar ku qaadanayay.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS