Dalka Kenya oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Kismaayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalka Kenya oo Ciidankeeda Kala Baxaysa Kismaayo
January 31, 2014 - Written by Editor:

KENYA WAJAALENEWS Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu wadaa inay intooda badan dhowaan isaga baxaan magaalada Kismaayo ee koonfuurta Somalia.

Afhayeen u hadley ciidamada Kenya, Col Will Wesonga ayaa sheegey in barnaamijka ka bixitaanka ciidamadooda uu dhowaan bilaaban doono ayna shaqada ku wareejin doonaan ciidamo ka socda Sierra Leone.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Kenya oo VOA ay la xiriirtey, balse diiday inuu magaciisa sheego ayaa sheegey in magaalada Kismaayo ay ku hari doonaan oo keliya ilaa 200 oo askari oo ka socda Kenya, kuwaas oo la shaqeyn doona ciidamada Sierra Leone iyo Burundi.

Waxaa uu sarkaalka intaa ku darey magaca ay ku hawlgeli doonaan ciidamadaasi uu noqon doono AMISOM Qeybta  5aad ee Kismaayo.

Kenya ayaa ciidamadeeda waxay magaalada Kismaayo aakhirkii 2012ka ka qabsadeen kooxda Al Shabab, hase yeeshee waxaa markii dambe lagu eedeeyey inay la safteen garab ka mid ah kooxo isku haystey gacan ku haynta magaalada, dagaalo kharaar oo halkaasi ka dhacay.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS