Dagaal beeleed sababay khasaare nafeed oo ka dhacay Gobolka Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaal beeleed sababay khasaare nafeed oo ka dhacay Gobolka Sool
January 12, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS Dagaal sababay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca saddex kale ayaa laba beelood ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Doclaha oo 45-km dhinaca galbeed kaga beegean magaalada Xuddun ee gobolka Sool.

Dagaalkan oo billowday saakay ayaa ka wuxuu ka dhashay nin shalay lagu dilay deegaankaas, iyadoo isku habar-wacayo kaddib uu dhacay dagaalka khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ah geystay.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in dgaalka uu yahay mid laba beelodo oo reer guuraa ah u dhexeeya, iyadoo maydadka dagaalka ku dhintay lab aka mid ah la geeyay magaalada Yagoori oo Laascaanood 52-km dhinaca Waqooyi kaga aaddan; halka magaalada Oog oo 110-km Waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood la geeyay laba nin oo dhaawac ah.

Ciidamo kala duwan ayaa ka baxay magaalada Laascaanood iyo Xuddun si
ay isugu dayaan inay colaadaas u joojiyaan walow ay shacabka ku nool deegaanka Lafweyne oo wax yar u jirta goobta colaaddu ka aloosan tahay ay sheegayaan in dagaalku uu eg-yahay mid kusii baahay miyaga oo dadku is-dhex yaallaan.

Goobta dagaalku ka socdo oo aan is-gaarsiin lahayn darteed waa adag tahay sida loo helo xaqiiqada dhabta ah wixii kasoo kordhana dib ayaan idin kula soo socodsiin doonaa

WAJAALENEWS DESK

CONTACT;wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS