Dadka Shacabka Ah Ee Ku Dhintay Mudaharaadadii Dalka Ka Dhacay Intuu Xukunka Hayey Axmed Siilaanyo Kumay Dhiman Dhagax Tuurkii Lagaga Soo Hor Jeeday Siyaad Barre, Saami Qaybsigii Dalkana G/Madasha Wada Tashiga Muj Xasan Guure | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadka Shacabka Ah Ee Ku Dhintay Mudaharaadadii Dalka Ka Dhacay Intuu Xukunka Hayey Axmed Siilaanyo Kumay Dhiman Dhagax Tuurkii Lagaga Soo Hor Jeeday Siyaad Barre, Saami Qaybsigii Dalkana G/Madasha Wada Tashiga Muj Xasan Guure
January 13, 2014 - Written by editor

Hargeysa(WJN):-guddoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa ka hadlay mudaharaadadii kala duwanaa ee dalka ka dhacay mudooyinkii ugu danbeeyey.

Hargeysa(Wajaale-News):-guddoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa ka hadlay mudaharaadadii kala duwanaa ee dalka ka dhacay mudooyinkii ugu danbeeyey.

Guddoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo ay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay arimo la xidhiidha shirka qaran ee ay qabanayaan akadamiga nabada iyo horu marka Somaliland iyo sidoo kale xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka ka dhacay.

Ugu horayn gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland  mujaahid Xasan Guure Jaamac oo ka hadlaya shirka ay qabanayaan akadamiga nabada iyo horu marku ayaa waxa uu yidhi ?shirweynihii aanu qabanaynay waxa uu ku  danbeeyey markii anaga(Madasha wada tashiga) nalagu yidhi ma qaban kartaan, waxaanu is nidhi fududeeya oo xisbiyada mucaaridka ahi ha qabtaan,xisbiyada mucaaridka ahna waa laga wareejiyey oo waxa la yidhi cid aan labadiina ahayn oo dhex ahi ha qabato,markaa Akademiga ayaa gogosha dhigaysa, shirkaasna anagu markii hore ajandayaal ayaanu  gaynay, markii xisbiga Kulmiye ku soo biiray labada xisbi mucaaridna waa la dhimaya ajandihii intii ka soo hadhayna may xumayn mar hore-na waanu taageernay, in laysku yimaadana waanu soo dhawaynay laakin waxaanu nidhi marka laysku yimaado yaanu shirkaasi noqon siminaarkan ay hay?adduhu qabtaan oo kale.?

Gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland waxa uu sheegay inuu dheeli badan ku yimid wixii ay heshiiska ku ahaayeen shacabka Somaliland, kuwaas oo uu sheegay In mansabyada siyaasiga ah ee dalka ugu sareeya ay haysato beel kaliya waxaanu yidhi ?waa inuu shirkaasi noqdaa wax umada dan u ah oo ay tallo ka soo baxdo waa in lays waydiiyaa waar halkee ayeynu maraynaa, markii Somaliland la dhisayey laba arimood ayeynu soo bandhignay, waxaynu dhiganay distoor waxa kale oo aynu dhiganay waxyaabo aan qornayn oo ah is af garad guud, marka laga soo bilaabo shirkii Burco iyo kii Boorame ee lagu sii xoojiyey waxa jiray inaynu dhiganay heshiis lagu qaybsaday kuraasta iyo mansabyada siyaasiga ah ee la doorto,qofkana waxa loo doortaa inuu cid matalayo, rukumada dawlada ee la wada leeyahayna inay Somaliland ka wada muuqato  ayey ahayd taasna wax badan ayaa ka dhinmay oo golaha guurtida, golaha wakiilada, garsoorka, madaxweynaha, wasiirada intii cus cuslayd  iyo  taliyayaashii ciidamada intaas oo  dhanba isku qolo ayaa qaadatay, haddii lagu yidhaa wixii oo dhana waad qaadatay waa daw oo heshiiskeenu waxa uu ahaa inaynu wax wada yeelano.?

Gudoomiyaha madasha wada tashiga iy toosinta qaranka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?saami qaybsiga dalkuna maaha wax cilmi loo raadinayo waxaana ka horaysa maxaynu ku heshiinaa, marka la leeyahay dood siyaasi ayaa la qabanayaana waxa weeyaan waar horta ma wada hadalnaa waxaanu qabnaa in laga leexday majarihii aynu markii hore dhiganay, waxaanu qabnaa in wixii aynu ka dagaalanay aynu dib ugu noqonay,dadka ku dhintay mudaharaadadii dalka ka dhacay intii uu xukunka hayey madaxweyne Axmed Siilaanyo kumay dhiman mudaharaadadii Maxamed Siyaad Barre, dhagax tuurkii ka dhacay Hargeysa ragii qaban qaabinayey ayaan ahaa kumay dhiman inta ku dhimatay mudaharaadkii Xaqsoor,mudaraadkii Biyaha,mudaharaadkii Burco markaa waxa weeyaan waxaynu ku noqonay halkii hore,?

Mujaahid Xasan Guure Jaamac waxa uu sidoo kale xukuumada ku canaantay xadhiga aan xadka lahayn ee lagu hayo bulshada Somaliland, waxaanu si adag uga hor yimid xadhiga loo gaystay gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuled iyo sidii ay xukuumadu xisbiga Ucid uga hor istaagtay booqashadii gobolka Gebilay.

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US l: Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS