Dad kacararayay colaada South Sudan oo 200 qof ku dhinteen shildoon | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad kacararayay colaada South Sudan oo 200 qof ku dhinteen shildoon
January 14, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWSsouth sudanwaxaa ku dhintay 200 oo ruux oo doon la degtay iyagoo ka cararaya dagaalka ka socda dalkaas.

Dadkani ayay la dagtay doontu xilli ay ka qaxayeen dagaallada ka socda magaalada Malakal, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay ciidamada South Sudan.

Kumanaan baracay

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad gaaraya 355,000 oo ruux ay ku barakaceen dagaalada u dhexeeya ciidamada dowladda South Sudan iyo kuwa mucaaradka.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan 1,000 ruux ay ku dhinteen dagaalada ka socda South Sudan.

Magaalada Malakal

Malakal waxaa malmihii la soo dhaafay ka socday dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ee taabacsan madaxwayne kuxigeenkii hore ee South Sudan, Riek Machar.

Dhinaca kale wadahadalladii u jeedadoodu ahayd sidii loo gaari lahaa xabadjoojin ayaa ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Wadahadal

Ilaa haatan wax natiijo ah kama soo bixin wadahadalladaas.

South Suudaan ayaa ka go’day Sudan sanadkii 2011-ka kaddib dagaal muddo dheer socday oo ay dad badani ku dhinteen

COMMENTS
LINKS