Cunista qaadku waxtar maleeyahay???Faalo xuseen siyaad cilmi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cunista qaadku waxtar maleeyahay???Faalo xuseen siyaad cilmi
January 30, 2014 - Written by Editor:

Cunista qaadku waxtar maleeyahay???

Xuseen siyaad cilmi {mataan}

Peac143@hotmail.com

Maan dooriyaha qaadka layidhaahdo ama lagu magacaabo ayaa cunistiisu iyo ka ganacsigiisu ku soo badanayaa dalkeena iyadoo qaadku yahay maandooriye halis ku ah caafimaadka jidhkeena  , wadamo badan oo aynu jaarnahay ayaa kaganacsada  qaadka sida itobiya ,Kenya    kaas oo ay u dhoofiyaan amaba u qaada dalalka ay jaarka yihiin maandooriyahan qaadka layidhaahdo ayaa dalkeena soomaliland  ku habsaday taas oo ay dadkeena intooda badani ay ka ganacasadaan,qaadka ayaa inoo imaada ayaa waxa uu ka baxaa dalka itoobiya ee aynu jaarka nahay ,kaasi oo 90% {boqolkiiba sagaashan } dhaqaaleheena lagu bixiyo maalin walba iyadoo inata ugubadana ay qaadkaasi  lacagtiisu ay bixiyaan xukuumada ama kuwa lacaglayda ahi halka kuwa aan heli Karin ay iyagu  dabara qayilaada maalitaa ay ka codsadaan Akhriste waxtar muu u  leeyahay qaadku dalkeena  ??mise faa iiduu inoo soo wadaa

Wadamo badan oo dalalka yurub kamida ayaa laga mamnuuucay qaadka iyadoo  sanadkii aynu soo dhaafnay  dhaamadkiisi  ayaa baarlamanka  dalka ingiriisku cod aqlabiyadle ku mamnuucay qaadka , kaasi oo dad badan oo halkaasi dagani ay ka qayliyeen joojinta una darsadeen cunistiisa , cabasho xoogana ka muujiyay  halka qaarkoodna {waa kuwa kaganacsada}  iyaguna si aada uga xumaaday kana niya jiabay joojinta qaadka , dadka halkaa ku cuni jirayna ama la odhankaro dhiigooda ayuu raacay ayaa wali caba sho xoogan ka muujiyay iyagoo dalka ingiriiska iskaga imiday joojinta qaadka awgii , ta ina haysata ee aynu manta hormar lagaadhi laanahay waa taas oo maydhan Akhriste ma iswaydiisay  muxuu taraa  qaadku ??? maadaama qadku yahay dhir sumaysan oo lagu sumoobikaro waxna gaysankarta caafimaad ahaan iyo jidh iyo maskax ahaanba  dadkeena waxa ka dhiman ama ay garan laayihiin  garadaadkii iyo maskaxday iskaga dayn lahaayeen  oo,  dadka soomalida ah ayaan  laga soo gaadhin cunida qaadka oo wakhtigoodiinaku baabiiyay ,shaqadoodiina ku lumiyay dadkeena ayaa waxay yidhaaahdaan qaadka hadii aad baratay inaanad waligaaba iska daynayn taas waxa la odhankaraa  waa figrad qaldan oo ay iska  dhaadhaciyeen ama ay aamin sanyihiin  waxa hubaal ah in waxaad naftaada ka dhaadhicisaa ama waxaad go’aansatid inaad qabatid kuna dhaqaaysid .

Tusaale ahaan manta hadii aad go’aansatid inaad manta tagtid meel isla marka ay maskaxdaada ku soo dhacdo inyar kadib waad tagaysaa ,taaasi waxan uga jeedaa hadii aad goaanka uu qofka bini aadamka ahi qaadan karo  inaanu ka joogsanayn hadii uu ka caajiso mooyee markaa waxaan leeyahay dadka leh qaadka la iskama joojinkaro inay khiyaali  iyo been abuurtahay ,  iyada oo looga dhofin jiray dalka hodanka ku ah qaadka ee  kenya iyo wadamo badan oo si balaadhan uu ugabaxo   , qaadka  ayaa  guud ahaan dalka kenya ay hodanku tahay, iyadoo wax soo saarkeeda ugu balaadhan uu kamid yaha u haatan sareeyo  iyadoo ay ka baqeen  inuu saamayn balaadhan ku yeesho  una horseedo dhaqaale burbur ,  hadaba guud ahaan hadii aynu  xaga  dalkeena soomalialand ayanu eegno saamayn balaadhan ayuu ku yeeshay maandooriayaahan  qaadku isagoo ay ku mashquuleen Ragii dalka wax u qaban lahaaa, maantana ay ku daydeen dhalan yaradii ama da yartii  usoo koraysay  gaba gabadii Asxaabeey Qaadku wax faa’iida ah oo uu inoo soo hayaa majiro  dhibaato uu inoo keeno mooyee,aynu ka foojiignaano geedkan suntan ah

qaadku caafimaad ahaan waa uu inoo xunyahay waayo waxa uu waxyeeleeyaa caaloosha isaga oo haraga iyo nafaqada kasaa isagoo qofku aakhirka uu u dhinto nafaqo laaan waxa lagu buufiyaa qaadka marka uu soo baxayo iyo marka la soo jarayaba sun cayayaanka lagaga ilaaliyo qofka bini aadamka ahana waxyeelo u gaysta xag caafimaad ahaanba iyo xag jidh ahaaneedba sidoo kale qaadku waxa uu waxyeeleeyaa ,midhicirada isagoo dhawaacna u gaysta mashiinka cuntada ridqa ,Akhriste waad ogaankartaa waxyeelada uu qaadku leeyahay inta aan cunina waxaan leeyahay ha iskugu dhawaan hana ku fikirin hana ku hamiyin inaad  udhawaato qaaadka inata cuntana waxaan leeyahay imikaad dhawdihiine iskadaaya  waa hadii aad caafimaadkiina aad utudhaysaan  waxaan hadalkayga ku soo koobaayaa ama mawduucaygan maahmaahdii soomliyeed ee odhan jirtay “Qof wax ku siiyay waad heshaa laakiin Qof wax kuu sheega maheshiid “

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WARIYE XUSEEN SIYAAD CILMI (MATAAN)

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS