Ciidamada Booliska Iyo Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Ka Reebista Oo Hargeysa Ku Qab-qabtay Koox La Sheegay In Ay Sixirka Kaga Shaqaystaan Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Iyo Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Ka Reebista Oo Hargeysa Ku Qab-qabtay Koox La Sheegay In Ay Sixirka Kaga Shaqaystaan Hargeysa.
January 24, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS)-Guddida Wanaag farista iyo wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland ayaa hawlgal ay qaadeen ku qabqabtay Sixiroolayaal arrimo dhaqan xumo iyo sixiroolanimo kula kacay qoysas farabadan oo reer Hargeysa ah, kuwaas oo ku kacay xaalado gabood fal ku ah sharafta iyo karaamada Haween badan oo kula macaamilay dhaqan xumadaasi.
Sixiroolayaashan la qabtay ayaa laba ka mid ah lagu soo qabtay xaafada Daami iyo xaafada Sheekh Nuur, kuwaas oo la sheegay in ay sanadihii u dambeeyayba kaga shaqaysanayeen Hargeysa qaab Cilaaj, waxaana la sheegay in lagu soo qabtay cajalado ay iska duubeen oo la sheegay in ay guryahooda yaaleen, ka dib markii uu si qarsoodi ah uga soo baxday nin la sheegay in mid ka mid ah Sixiroolayaasha uu gurigiisa ugu samaynayey muraayad ama shaashad Telefishan ka xumaaday.
Ilaa hadda Xukuumada Somaliland iyo Guddida wanaag farista midkoodna kamay hadal dhacdadan, hase yeeshee warar ayaa sheegaya in Sixiroolayaashan ay ku jireen guryo ay kiraysteen, kuwaas oo la sheegay in dhaqaalaha ay ku samaysteen in ay ka urursadeen Haween ay duufsadeen kooxdani oo u muuqda in ay kula kaceen arrimo la xidhiidha sixir iyo fal.
Sidoo kale, wararku waxa ay sheegayaan in ay samaysteen Askar la sheegay in ay ka tirsan yihiin Booliiska kuwaas oo ay kiraysteen isla markaana ka ilaalin jirtay cid kasta oo isku dayda in ay faragaliso hawlaha dhaqan xumada ah ee ay wadaan.
Wararka ka soo baxaya ayaa sheegaya guryaha ay nimankani deganaayeen ee laga soo qabtay in ay bar kulan u ahaayeen haween badan oo isugu jiray Xaasas iyo Gabdho dhalinyaro ah, kuwaas oo ay u shidi jireen cajalado Qur’aan ah, halka Sixiroolayaashani ay ka yihiin sida ay dadka la jaarka ahi ku soo warameen Diin iska daaye in aanay Eray ka aqoon Qur’aanka ay dadka ku khiyaamaynayaan.
Ninka fashiliyey labada nin midkood oo ah ka laga soo qabtay xaafadda Daami ayay dadka jaarku sheegayaan maalintii ugu horaysay ee xaafada lagu arko in uu qaawanaa oo aanu xataa kabo xidhnayn, iyagoo sheegay in uu soo raacay nin ka mid ah dadka xaafadda degan, kaasoo markii danbe iska eryey, hase yeeshee waxa uu degay jiingad yar oo ku dhex taala xaafaddaasi oo aan ka fogayn, halka uu markiiba ka kiraystay guri shan makhsin ah oo cusub, halkaas oo uu ka faraqabsaday marka

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS