Hadal kooban oo uu munaasibada loo sameeyay ardayda Qalin jabisay uu jeediyay Agaasimaha Waxbarashada Dadbadan ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Xuseen Daarood, ayaa waxa uu ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka soo qayb galka xafladan.
Waxa uu ardayda kula dardaarmay in ay halkaasi ka sii wadaan dedaalkooda, waxaanu yidhi Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aan ka soo qayb galo Munaasibadan ay ku qalin jabinayaan ardayda xirfadaha kala duwan ka baratay xarumaha GAVO iyo HTI.
Waxa la bilaabay barashada xirfadaha kala duwan sanadkii 2005-tii, waxaanan aragnay in uu dalku baahan yahay in la soo saaro arday farsamada taqaana.
Waxa la idiinka baahan yahay ardayeey in aydaan waxbarashada halkaasi kaga sii hadhin, laakiin waa in aad dedaalkiina sii wadaan oo aad waxbarashada inta aad korodhsan kartaan sii kordhisaan ayuu yidhi.
Maxamed Cawil oo ah maamulaha xarunta Waxbarashada dadban ee Hayada GAVO oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ardaydii ay wax soo bareen ugu hambalyeeyay dedaalkii ay la yimaadeen.
Maxamed Waxa uu u soo jeediyay in ay halkaasi ka sii ambo qaadaan waxbarashadooda isla markaana ay ku dedaalaan sidii ay bulshada uga faaiidayn lahaayeen Maanta waxa Halkan fadhiya 240 arday oo ka qalin jabinaya xarumaha GAVO iyo HTI, waxaanan halkan uga mahad celinayaa ardaydaas iyo waliba waalidkood oo mudadii ay waxbarashada wadeen dedaal badan geliyay.
Waxa aan waalidka leeyahay weli may dhamaan waxbarashadii, laakiin waxa la idinka doonayaa in aad halkaasi ka sii wadaan oo ubadka daba taagnaataan ayuu yidhi.
Sidoo kale waxa uu ardaydii ay wax bareen u soo jeediyay in ay dedaalkooda sii laban laabaan isla markaana bulshada ugu adeegaan si fiican Waxa aan leeyahay ardaydii aanu waxbarnay waa in aydaan is dhigan, hadii aad waxbarasho kale heshaana aad halkaasi ka sii wadaan, bulshada aad dib ugu laabanaysaan aad si fiican ugu adeegtaan ayuu yidhi.
Geesta kale Cabdilaahi Ciise Cawaale oo ah maamulka Machadka Tababarka Xirfadaha ee HTI oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in hayadda NRC ay ku amaanantahay dedaalka badan ee ay geliso sidii ay dalk uga soo bixi lahaayeen arday xirfado leh.
Waxa aan marka hore halkan uga mahad celinayaa Hay?ada NRC oo iyadu deeqdan waxbarasho ka caawisay hay?adaha GAVO iyo xarunta HTI, waxaanay noqonaysaa dufcadii lixaad ka baxda xarumahan.
Runtii 240kan arday ee ka qalin jabiyay xarumahani waxa ay yihiin kuwii loogu talo galay ee ay hayaddu u cayintay, sidoodii ayaanay maanta ku baxeen iyaga oo dhamaystiran.
Waxa la idinka doonayaa ardayeey in aad akhlaaq wanaagsan kula dhaqantaan bulshada aad dib ugu laabanaysaan.
Sidii aanu idiinku dedaalnay waad ogeydeen, waxaanad sida runta ah dhamaantiinba ahaydeen kuwo soo jeeda oo waxbaranaya”? ayuu yidhi.
Sidoo kale waxa uu yidhi Hadii aad ku shaqo tagtaan intaas aad barateen waa idin anfacaysaa, dadkana mucaamilo wanaagsan waa in aad u samaysaan ayuu yidhi.
Mawliid Maxamed Cige oo ka socday Hayada NRC, ka socday oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa ku booriyay ardayda dhamaystay xirfadaha kala duwan in aanay is dhiganin.
Waxa kale oo uu xusay in ay hay?ada NRC, barbar taagnaan doonto sidii ay xarumahaasi u soo saari lahaayeen arday intan ka badan.
Barnaamijkan oo la yidhaahdo YEP, waxa ay hay?ada NRC bilawday sanadkii 2007-dii, waxaana marka la isku daro Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, waxa ay noqonaysaa dufcadii 6-aad ee ka baxda.
Runtii ardaydan waxa ay dhamaysteen waxbarasho dalka looga baahan yahay, markaa waxa aan leeyahay halkaas ka sii wada”? ayuu yidhi
Waxa uu kula dardaarmay ardaydaasi in ay ka dheeraadaan balwadaha iyo waliba wax kasta oo naftooda galaafan kara Waxa aan wiilasha leeyahay balwada aad isaga ilaaliyaa, waayo waad hadhaysaan, sidoo kale waxa jira cudur dilaa ah oo naftiina galaafan kara, waana cudurka la yidhaahdo HIV/AIDS, waxa aan idinku boorinayaa in aad ka dheeraataan.
Waxa iyaduna jirta cudur kale oo la yidhaahdo qabyaalad, taas ayaa maanta bulshadeena aad ugu badan, waxaana la inaga doonayaa in aynu ka dheeraano, waayo hadii aad bulshada maanta waydiiso oo aad tidhaahdo yaa qabyaalad shaqo ku helay, waxa aan qabaa in aan la soo heli Karin ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay.
Dhinaca Kale Magaalooyinka Burco iyo Ceergaabo ayaa iyagana xaflado qalin jabin ah loogu qabtay arday dhamaystay xirfado kala duwan, kuwaas oo ay gacanta ku haysay Hay?ada NRC.
Ardaydan ayaa waxa ay kala ahaayeen 240 ka baxay laba xarumood oo ku kala yaala Magaalada Burco iyo 120 ka qalin jabiyay xarun ku taala Magaaladda Ceerigaabo.
Ardayda dhamaystay xirfadahan iyo macalimiintii waxbarayay ayaa sheegay in ay guul wayn u tahay, waxaanay ku amaaneen xarumahooda iyo hayada NRC In ay xil wayn iska saareen sidii ay wax u bari lahaayeen.
|