|
|||||
WAJAALE NEWS
Aragtida Uu Somaliland Ka Qabay Madaxwaynihii Hore Ee Maamulka Puntland Iyo Halka Uu Ka Taagan Yahay C/Wali Gaas-Ka La Doortay.
January 9, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa shalay madaxwayne u doortay raysal-wasaarihii hore ee dawladii Sheekh Shariif ee Somalia, C/wali Maxamed Cali Gaas oo wareegii 3-aad hal cod kaga adkaaday madaxwaynihii hore ee maamulkaasi C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole). C/wali Gaas ayaa isagu si lama filaan ah ugu guulaystay madaxtinimada Puntland ayaa helay 33 cod halka uu C/raxmaan Faroole oo isagu labadii wareeg ee hore aqlabiyadu raacsanayd uu wareegii ugu danbeeyey ka helay 32-ka cod. Labadan nin ee iyagu iskugu soo hadhay doorashadaasi ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba xuduudaha Somaliland, meelo kala duwana ka taagan guud ahaan xidhiidhka ay jecel yihiin inay la yeeshaan Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana mid walba si gaar ah uga hadlay xurgufta siyaasadeed eek a dhaxaysa iyo magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee Somaliland. Madaxwaynihii hore ee maamulkaas C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa isagu qaba ama aamisanaa inaanay Puntland awood ciidan iyo mid diblomasiyadeedba u lahayd inay la wareegaan magaaladda Laascaanood oo ay madaxdii u kala danbeysa Garoowe mid walbaa isir-nimo ku sheegan jiray, kuna taami jiray qabsashadeeda. C/raxmaan Faroole ayaa sidoo kale isagu mar uu maalintii salaasadii 7-dii bishan uu baarlamaanka ka horjeedinayey qudbad uu kaga hadlayo qorshihiisa siyaasadeed tilmaamay inaanay khibrad lahayn raga la tartamayaa, kaas oo dibaaqayey hadalo ka soo yeedhay musharixiintii la tartamaysay ee isaga hadalka kaga horaysay oo intooda badani ay ku ololaynayeen inay Laascaanood ka qabsan doonaan Somaliland hadii la doorto, kuwaas oo uu ku tilmaamay rag aan xaqiiqada ogayn oo iska jiboonaya. Isaga oo Faroole aragtidiisa ololaha siyaasiyiinta la tartamaysay ka hadlaya ayaa waxa uu si kooban u yidhi “Ma cid America ka soo duushey ayaa Laascaanood qabanaysa mise nin qandala ka yimid oo hal qofna uusan ciidanka ugu jirin ayaa qabanaya?”. Sidoo kale madaxwaynaha cusub ee Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa isagu aragti ka duwan ta Faroole ka qabo qaabka uu u wajahayo deegaanadda bariga Somaliland ee ay isirnimada u sheegtaan maamulkaasi, isagoo salaasadii todobaadkan qudbad uu ka horjeedinayey baarlamaanka Puntland cadaystay colaada iyo nacaybka uu u qabo Somaliland, isla markaana si cad u sheegay inuu dagaal la gali doono. C/wali Gaas waxa uu qudbadiisaas oo uu xildhibaanadda u jeediyey intii aan loo dooranin Madaxwaynaha ku bilaabay durbaan colaadeed iyo juhdi uu la gali doono Somaliland, kaas oo ku andacooday inuu Puntland u soo celin doono dhul ka maqan.isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Dhulka maqan ee Puntland waa dhaawac ku yaal qofkasta oo reer Puntland ah oo beeli-beel kama qabsanin ee maamulbaa maamul ka qabsaday, dhulkaasina beel gaar ah kama maqna. Dhulka maqan faataxo laguma qabsan faataxo-na ku soo laaban maayo, wixii siyaasad ku salaysan siyaasad baanu ku maaraynaynaa wixii xoog lagaga maarmi waayo-na waxa lagama maarmaan ah in Puntland fuliso waajibkii loo igmaday ee distuuriga ahaa”. C/wali Gaas isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey “Waxa dadka Sool, Sanaag iyo Cayn lagu hoday haykal dawladnimo, Puntland waxay ku fashilantay waajibaadkeedii distuuriga ahaa, waajibaadka 1-aad ee dawladnimada Puntland waa inay difaacdo nafta, maalka iyo sharafta muwaadinka. dib u soo celinta dhulka maqan waxa lagu maaraynayaa talo guud si masuuliyadeeda loo wada qaato cid gaar ahna aan loogu halaynin”. Wajaale News Hargaysa Office Email:habane00@gmail.com Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane Related posts:DAAWO; Diiriye General Trading Oo Ka Qiimo Dhimis Balaadhan Ku Sameeyay Saliidaha Dabiiciga ah Iyo A... Madaxweynaha Jsl oo maanta ka qaybgalay Munaasibada Daahfurka Dugsiyada Boodhinka ah Ee Guddida Dan... DAAWO; Xildhibaan Xasan Cawaale Oo Si Adag Uga Hadlay Dilkii Wiil Yar Oo Maxbuus Ahaa Ee Saldhiga L... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|