Al-Shabaab oo Somalia ka mamnuucday isticmaaka Mobile Internet iyo Fibre Optic . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Al-Shabaab oo Somalia ka mamnuucday isticmaaka Mobile Internet iyo Fibre Optic .
January 9, 2014 - Written by Wariye:

fiber opticMuqdisho(Wajaale News):-Xarakada Al Shabaab ayaa soo saartay go?aan lagu joojinayo gebi ahaanba Adeegyada Mobile Internet iyo Fibre OPtic guud ahaan dalka Soomaaliya Iyadoona Bayaan ka soo baxay Al Shabaab lagu faafaahiyey arinkaasi.

Bayaankan oo ku qoranaa Luuqadda Soomaaliga ayaa la soo dhigay barta internetke waxaana lagu sheegay in Xarakada Shabaab ay go?aamisay joojinta Adeega Mobile Internet iyo Fibre Optic guud ahaan Soomaaliya waxaana ka mid ahaa Qodobadii ku qornaa Bayaanka:

1) In

laga joojiyo dhamaan dalka Soomaaliya isticmaalka adeegyada loo yaqaano Mobile Internet iyo Fibre Optic.

2) In dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ah ee ku lugta leh adeegga Mobile internet-ka ama Fibre Optic-ga ay joojiyaan adeeggaas.

3) In shirkad walba oo ku lug leh bixinta adeegyadaas aan kor kusoo xusnay ay heysato muddo dhan 15 maalmood oo kaliya sidii ay u joojin laheyd adeegyada Mobile internet iyo Fibre optic, mudadaas oo ka bilaabaneyso taariikhda bayaankan uu soo baxo.

4) Shirkaddii ama shakhsiyaadkii u hogaansami waaya go?aanada kor ku xusan waxaa loo arki doonaa kuwo cadawga la shaqeynaya, waxaana lala tiigsan doonaa Shareecada Islaamka.

Wajaale News

Hargaysa Office

Email:habane00@gmail.com

Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS