|
|||||
WAJAALE NEWS
Akademiga Nabada Iyo Horu Marka Oo Bulshada U Soo Jeediyey Inay Soo Gudbiyeen Wixii Fikrado Ah Ee Ay Ka Qabaan Arimaha Lagaga Hadlayo Dood Cilmiyeedka Ay Qabanayaan, Soona Bandhigay Qodobada Muhiimka Ah.
January 15, 2014 - Written by editorAkademiga Nabada Iyo Horu Marka Oo Bulshada U Soo Jeediyey Inay Soo Gudbiyeen Wixii Fikrado Ah Ee Ay Ka Qabaan Arimaha Lagaga Hadlayo Dood Cilmiyeedka Ay Qabanayaan, Soona Bandhigay Qodobada Muhiimka Ah.
DOOD-CILMIYEEDKA XISBIYADA QARANKA
MUWAADIICDA: DIMUQRAADIYADA IYO HORUMARKA SOMALILAND TAARIIKHDA DOODA: 10/02/2014
GOOBTA: AMBASSADOR HOTEL, HARGEYSA HORDHAC: Inkasta oo ay Somaliland ku tallaabsatay horumar la taaban karo labaatankii sanno ee u dambeeyay dhinacyada dib-u-dhiska dalka iyo dimuqraadiyadaynta, haddana waxa jira caqabado horyaala.
Wax ka qabashada caqabadahan ayaa u baahan in daneeyayaasha ugu mudan ee bulshadu leedahay sida, xisbiyada qaranka, ururada madaniga ah, iyo bulshada inteeda kale ay isku yimaadaan si ay uga qaybqaataan
dardar-galinta iyo horumarinta arrimaha siyaasada iyo bulshada. Horumarka iyo dimuqraadiyada Somaliland ayaa waxa sal u ah ?wada-hadal, kaas oo ah rukun ka mid ah Dastruuka Somaliland; waxanu noqday mid ay muwaadiniinta iyo shacabkuba ay ku xakameeyaan awoodaha dhaqan ee hay´adahooda si ay u joogteeyaan arrimaha nabadgalyada iyo iswaafaqsanaanta. In muddo ah, hanaanka is-xambaarsan ee Somaliland kusoo dhisantay, kaas oo ka kooban hanaanka is-maamul ee casriga ah iyo ka dhaqanka, ayaa dhiiri-geliyay in dalalka ay dariska la tahay iyo bulshada caalamkuba ay daneeyaan nidaamka wadahadalka ee Somaliland adeegsato, iyada oo aan laga tanaasulayn gundhiga salka u ah habkan. Sidaa daraadeed, nidaamka wada-hadalka ee ku dhisan dhaqanka ayaa dhextaal u ah hanaanka casriga ah ee adeegsiga dimuqraadiyada. Illaa iyo doorashadii ugu horeysay ee sanadkii 2002-dii, Somaliland waxay ay abuurtay jawi siyaasadeed oo nool kaas oo xisbiyada mucaaridka ee sharciga ahi kula hadlaan xisbiga talada haya ee markaa jooga hab dood-cilmiyeed iyo wada-hadal furan ah, Sidaa awgeed, xisbiyada mucraaridka ah ee UCID iyo WADDANI, si ay u dardar galiyaan kaalintooda wadahadal wax lagu dhisayo, kaas oo midaynaya dadka iyo dalka, isaga oo ka duulaya qaybaha la wadaago sida maamul-wanaaga iyo aqoonsiga caalamiga ah, daryeelka bulshada, Golaha Guurtida; waxa ay xisbiyada mucaaridka ah, xisbiga talada haya (KULMIYE) iyo Dawladdu ka wada-xaajoodeen in la qabto DOOD-CILMIYEEDKA XISBIYADA QARANKA. Dood-cilmiyeedkani waxa uu u siinayaa sadexda xisbi qaran fursad ay ku falanqeeyaan kuna gorfeeyaan arrimo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka Somaliland, Aqoonsiyga, horumarka dhaqaalaha, iyo Dastuurka Somaliland. Xisbiyadu waxa kale oo ay isla qaateen kuna heshiiyeen in Dood-cilmiyeedka uu qabto, isla mar ahaantaana gadhwadeen ka noqdo Akaademiga Nabadda iyo Horumarka (APD) iyaga oo la wadaagaya dallada ururada madaniga ah ee SONSAF. Sidaa awgeed, Akaademiga Nabadda iyo Harumarku waxa uu idinku casuumayaa iyaga oo la wadaagaya dallada ururada madaniga ah ee SONSAF in aad soo gudbisaan qoraalada aad kaga hadlaysaan kuwaas oo la xidhiidha mawduucyada soo socda: 1. Doorashooyinka: a. Qabsoomida doorashooyinka Madaxtooyada iyo baarlamaanka ee sanadka 2015 b. Shuruucda doorashooyinka c. Ka qeyb-galka haweenka ee siyaasada d. Ka qeyb-galka dadka laga tirada badan yahay ee siyaasada dalka e. Diiwaangelinta Codbixiyaha f. Qiimaynta doorashooyhinka 2012 g. Golaha Guurtida 2. Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Qadiyada Aqoonsiga Somaliland a. Caqabadaha hor-yaala qadiyada aqoonsiga Somaliland b. Wadahadalada Somaliland iyo Soomaliya 3. Horumarka a. Horumarka dhaqaalaha iyo Bulshada b. Maalgashiga c. Khayraadka Dabiiciga ah d. Shaqo-abuurista 4. Gol-daloolooyinka ka muuqda Dastuurka Somaliland a. Daraasad ku salaysan Dastuurka Somaliland Dhamaan cidkasta oo danaynaysa in ay wax ka qorto mid ka mid ah arrimaha aan kor ku xusnay, waa in uu soo gudbiyo qoraal cadaynaya mawduuca uu doonayo in uu wax ka qoro isaga oo ku soo dirayacinwaanka Akaadamiga kuna xusay qoraalkiisa:
(1) Cinwaanka qoraalkiisa
(2) Magaciisa oo dhamaystiran, iyo
(3) Hor-dhac kooban oo uu kaga hadlayo dulucda qoraalkiisa. Qoraalkan waxa uu kusoo dirayaa email ahaan dokumentiga oo ah nooca PDF-ka inta ka horeysa taariikhda qabashada qoraalku aanay dhicin.
Cidii ku guulaysata in ay fursad u hesho in qoraalkooda soo bandhigaan waa lala soo xidhiidhi doonaa.
Cinwaanka lagu soo hagaajinayo dokumentigu waa cinwaanka Agaasimaha Fulinta Akaademiga Nabadda iyo Horumarka: Maxamed Faarax Xirsi;
e-mail: xirsi_law@hotmail.com Taariikhaha: Warqada codsiga iyo dulucda qoraalka: 21st January 2014 Jawaabta Codsiga: 25th January 2014 Qoraalka oo dhamaystiran: 3rd February 2014 Related posts:“Cid Gudoomiye Baashe U Hanjabi Kartaayi Ma jirto Beesha Dhulbahantena” Siyaasi Cali Cantar Oo Si Ku... Laba Kamid Ah Ciyaartoyga Xulka Gobolka Badhan Oo Maalintii Shalay Lagu Dhaawacay Garoonka Hargeysa... Dawlada Maraykanka Oo Sheegtay Inay Xannibaad Kusoo Rogayso Masuuliyiinta Somaaliya Ee Ku Lugta Leh ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|